Dibad-baxayaal xirtay wado muhiima oo ku taal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gasha caasimada, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon.

Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanaya wado xumo, waxayna sheegeen inay waayeen meel ay maraan, isla-markaana jidadka qaar ay biyo xireen, halka kuwa kalena ay gooyeen ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in maalin waliba laga qaado lacago canshuuro ah, isla-markaana aan waxba loogu qaban, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale bajaajleyda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ay baaq waxa ay u direen guddoomiyaha gobolka Banaadir, iayagoo dalbadeen inuu soo fara-geliyo cabashadooda.

Dibad-baxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay, maadaama banaan-baxayaasha ay xiteen wadadaasi.

Si kastaba dibad-baxa ayaa kusoo aadayo, xilli maamlmihii lasoo dhaafay jidadka Muqdisho ay ahaayeen kuwa ciriiri ah, isla-markaana ay biyo xireen wadooyinka qaar.