Taliye Odowaa oo war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada General Dhaga Badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Odowaa ayaa marka hore faah faahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo uu fuliyey ruuxu isku soo xiray walxaha, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhinteen illaa 10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Taliyaha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xerada, xilli ay dhalinyarada sugeysay baaritaan, si ay galayaan gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhex-galay ruuxa is-qarxiyey oo watay jaakadda qaraxyada.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo la geeyey goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.