Mucaaradka oo dalab culus u gudbiyay xildhibaannada cusub ee lasoo doortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalena ah Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa xildhibaanada dooran ee labada aqal ka dalbaday inaysan ka leexan rabitaanka shacabka.

Daahir Geelle ayaa sheegay in gacanta xildhibaanada dooran ku jirto badbaadada dalka, loogana baahan yahay inay ka shaqeeyaan danta dadka iyo dalka, islamarkaana ay dhag u dhigin kuwa leh “anaga ayaa kusoo saaranay”.

“Xildhibaanow dambi ayaa lagaga abaal dhiganaya dadkaagii iyo deegaankaagi oo la duleeyay, lagana hor istaagay inay ayaga ku doortan ayaa lagaga abaal dhiganaya, dambi ayaa lagaga abaal dhiganaya, maalintii dambigaas ka jawaabi laheyd ayaa joogta,” ayuu yiri.

“Mararka qaar Xildhibaanada waxaa la leeyahay anagaa kusoo saaranay taasina kaliya maahan in wax laga rabee in qiimaha iyo awooda uu leeyahay la rabo in la dhimo.”

Daahir Geelle ayaa carabka ku adkeeyay in xildhibaanada wadada kaliya uu kaga badbaadi karo gacan ku haynta kali-taliska ay tahay in codka halka loo rabo uu ka leexiyo, una codeeyo danta shacabka iyo dalka.

Sidoo kale waxa uu xasuusiyay xildhibaannadii iyo cid kasta oo u dakanoowday taliska Farmaajo banaanka la keenay, iyaga oo loo diiday inay tartamaan, isla markaana xildhibaannada Cusub taasi mid lamid ah ay sugeyso hadii aysan xisaabtamin.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay in isbedel xaga horumarka ah uu ka dhaco dalka, taasina ay meel-marin karaan xildhibaanada cusub ee labada aqal, oo badankooda lagu soo saaray hanaan boob ku dhisan.