Axmed Madoobe oo qoraal deg deg ah kasoo saaray qaraxii ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qaraxii goor sii horeysay ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday qaraxaas, xilli uu dhawaan ka tagay magaalada Laascaanood, asaga oo Kismaayo u tagay arrimo la xiriir kulan diimeed.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyntii ak tacsiyadeeyay geerida allaha u naxariisto Sheekh Cabdinaasi, oo ku tilmaamay in uu ahaa daaci si weyn u anfacay umadda Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray gayiga Soomaalida.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray. Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

“Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.”

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay ka hadashay qaraxaas lagu dilay Sheekha dowladda federaalka, waxaana qoraal uu soo dhigey bartiisa Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka uu ku cambaareyay dilka Sheekha.

“Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goordhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir.” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ahaa sheekh ku caan ah faafinta diinta iyo wacyigalinta dadkeenna, isaga waqtigiisa intii u badneyd galiyay fidinta diinta Islaamka.