Booliska oo gacanta kusoo dhigay ragii fuliyay weeraradii maanta ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay kooxo weerar Bambooyin gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar kamid ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa ugu horeyntii sheegay in saldhigyada argagixisadu weerartay kala yihiin kuwa degmada Wadajir, Hodan, Howl-wadaag iyo Boondheere.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in illaa hadda la hayo 7 qof oo ku eedeysan inay qaadeen weerarada lagu qaaday saldhigyadaas.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in warbaahinta loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyay weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya kadib saacado un markii maleeshiyaad ka tirsan argagixisada weeraro bambanooyin ah ku qaadeen saldhigayda afarta degmo.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa gobolka kusoo badanayay weerarada argagixisada ay sida tooska ah ula beegsanayso saldhigyada iyo goobaha kale ee ciidamada, kuwaasi oo inta badan ka dhashaan khasaaro kala duwan.