Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax laga maqlay jugtiisa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa goor sii horeysay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee xaafada Calanleey ee magaaladaas.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo warinaya in uu ahaa qaraxaan mid gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sheekh Cabdinaasir uu qaraxaas ku geeriyooday, xilli uu dhawaan ka tagay magaalada Laascaanood, isaga oo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland u tagay arrimo la xiriiro kulan diineed.

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta qaraxa, iyaga oo xiray wadooyinka ku teedsan Isgoyska uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaris hordhac.

Laamaha Amniga magaalada Kismaayo illaa hadda kama aysan hadlin qaraxaas, xilli maanta halkaas ay ka dhacday Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.