Mucaaradka oo qaba shaki la xiriira ‘khilaafka u dhaxeeya’ Farmaajo iyo R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimad Online) – Waxaa la filayaa in uu magaalada Dhuusamareeb ka furmo shir ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalku, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimaha doorashooyinka.

Mucaaradka qaarkood ayaa rumeysan inay suurta-gal tahay in wax walba sida ay u socdan iska badalaan, taasi oo ka dhigan in kala aragti duwanaanta Farmaajo iyo Kheyre ay noqon karto siyaasad lagu maaweelinayo mucaaridka.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa hore u muujiyey kala aragti duwanaan baaxad leh oo ku aadan qaabka ay u qabsoomeyso doorashada dalka ee 2020/2021.

Kheyre ayaa sheegay inuu rabo in dalka ka dhacdo doorasho, si looga baaqsado muddo korodhsi horseedi kara qalaalase siyaasadeed, isla markaana loo qabto hanaan loo mideysan yahay, midaasi oo si cad uga hor imaneysa qorshaha Villa Somalia ee Farmaajo oo ah mid ‘qof iyo cod ah’, sidoo kalena ah xeelad muddo korodhsi.

Kala aragti duwanaantaasi oo loo dhigay siyaabo kala duwan ayaa haddana mucaaradka qaarkood aysan weli si buuxda u wada aaminin, waxayna qaarkood u arkaan in qorshahaasi ay ku wada socdaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo muddo ka badan saddex sano uusan soo kala dhex-gelin wax khilaaf ah ama is-fahan waaya oo weyn.

“Ujeedada u weyn ee warbaahinta loo marinayo kala aragti duwanaanta labada Mas’uul ayaa ah mid lagu indho sarcaadayo mucaaridka oo iyagu meel adag iska taagay muddo kordhin, balse ay Villa Somalia rabto in xeelad loo dhan-yahay ku shaaciso in dalka ka qabsoomi karin doorasho,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa og in khilaafku yahay mid dhab ah, islamarkaana Kheyre ay ka go’an tahay in muddo kororsi aanu dalka ka dhicin.

Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yarey ay ku sugan tahay magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la ogyahay inuusan jirin martiqaad rasmi ah oo uga imaaday ka qeyb-galka shirkaasi, oo sida uu qorshuhu ahaa ku koobna madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada.

Villa Somalia ayaa u muuqata mid qorshaheedii muddo kordhinta u leexisay dhinac kale, iyada oo rabta in heshiis loo dhan yahay oo lagu shaacinayo ‘in muddada yar ee hadhay lagu qaban karin doorasho’ ka dhaco shirka Dhuusamareeb.

Ilaa hadda ma cada qaabka ay Villa Somalia uga dhaadhicineyso madaxda maamulada dalka inay muddo kordhin dad-ban isla af-gartaan taasi oo ay qeyb ka tahay sheegashadii Xaliimo Yarey ee aheyd in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomeyn, howlo farsamo dartood oo hor yaala.

Shirka Dhuusamareeb ayaa haddii laga soo saaro arrinkaasi oo lagu xoojinayo mowqifkii Xaliimo Yarey uu dhabar jab weyn ku noqonayo mucaaridka oo iyagu ku kaliyeysan doona diidmada mowqifkaasi,hase yeeshee ma muuqato taas, waxayna u badan tahay in shirkaas lagu kala tagi doono, maadaama Farmaajo aanu ka hari doonin mowqifkiisa muddo kororsi.