FARMAAJO oo kulan gaar ah la yeeshay Qoor-Qoor, ka hor shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ah marti-geliyaha shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan shirka amniga qaranka ee maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, kaas oo uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday ajandayaasha ay tahay in looga doodo shirka iyo qaabka uu u soconayo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaas ay madaxdu isaga xog-wareysteen xaaladda dalka, amniga iyo arrimo kale oo ku saabsan Shirka labada dhinac ay ku ballansan yihiin.

Waxaa dhanka kale saacadaha soo socda Dhuusamareeb tagi doono madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ku kala sugan Garoowe iyo Cadaado

Shirka Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa gelinkaa dambe ee maanta furmaya sida uu qorshuhu yahay, waxaana diirada lagu saaraya marxaladda kala guurka ee haatan uu dalku ku jiro, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.