DF oo soo saartay digniin ku socota shacabka gobollada Jubbooyinka iyo Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose ee maamullada Jubbaland iyo K/ Galbeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in deegaano ka mid ah saddexdaasi gobol ay ku soo wajahan yihiin roobab xoogan oo dabeylo wata.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaasi la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, islamarkaana loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa si gaar ah fariin ugu dirtay dadka degan magaalooyinka dhaca xeebaha, sida Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo dhammaan ka kala tirsan gobolladaasi.

Dhinaca kale wasaaradda ayaa ugu baaqday maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed inay u diyaar garoobaan ka hortagga dabeylahaasi, si aysan u geysan khasaare xoogan.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warkeeda ku sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada