Xildhibaano HirShabelle ka tirsan oo Farmaajo dartiis mushaharka looga joojiyey

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mushaarkii laga joojiyay laba Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa amar ku bixiyay in bishaan aan la siinin mushaarkooda laba kamid ah baarlamaanka maanulkaasi.

Xildhibaanada mushaarka laga joojiyay ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Aadan Kaladire iyo Xildhibaan Geelle Isxaaq Warsame oo dhawaan iska casilay xilka wasiir ku xigeenka amniga HirShabelle.

Ila wareedyo ka tirsan Madaxtooyada HirShabelle ayaa noo sheegay in mas’uuliyiintaan mushaarka looga joojiyay abaabulka Banaanbaxii bishii hore ka dhacag Beladweyne ee lagu taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, banaanbaxaas oo ay joojiyeen booliska Soomaaliya.

Dhammaan Xildhibaanada HirShabelle ayaa qaatay mushaarkooda waxaana laga reebay labadaan mudane oo keli ah, waxaana sababta lagu sheegay in ay wadeen Banaanbax uusan ogoleyn maamulka, taas oo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Banaanbaxa ay abaabuleen labadaan Xildhibaan ayaa ahaa mid lagu taageerayo hadal uu Farmaajo ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 7-aad ee baarlamaanka oo ahaa 6-dii bishii June ee sanadkaan.