Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay inuu u diyaarsaday inuu ku caburiyo mucaaradka kasoo horjeedo.
Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin kale oo u xareysan Xasan Sheekh, isla markaana uu doonaayo inuu soo saaro, si uu ugu adeegsado danihiisa siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan wuxuu soo wadaa ciidan lagu tababaray gobollada dhexe, guutooyin cusub oo u xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay kuwa TurkSom ugu xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ujeedkiisa waxaa waayay inuu dhiigeyna ku baneysto taas waa inay dadka ogaadaan, laakiin annaga ka tanaasuleyno Madaxweynihii ka horreyayna ciidan ugama aanan cabsanin asigana ciidan ugama cabsaneyno”.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa farriin u diray ciidamada qalabka sida, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhibaateyn dadka shacabka ah, sidoo kalena aysan qaadan amarrada madaxa joogta Villa Somalia.
“Ninka fadhiya Villa Somalia waa Madaxweynihii hore ha qaadanina amar la idin siinaayo inaad Ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateysaan waxaa la idin tababaray inaad Ummadda Soomaaliyeed difaacdaan ilaalisaan nabadda dalka dhowrtaan sharafta iyo karaamada shacabka”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aadan eedda mucaaradka ee ku aadan ciidamadaas la sheegay inay abaabulayaan.
Si kastaba, mucaaradka ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha, iyaga oo iclaamiyay dibad-baxyo horleh oo 4-ta June ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo ay tilmaameen in todobaadyo socon doonaan.

