26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Xog: Villa Somalia oo wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay billowday olole siyaasadeed oo ay ku dooneyso in Baarlamaanka Federaalka, oo mucaaradku ku tilmaamayo mid waqtigiisii dhammaaday, mar kale fadhi la isugu keeno.

Qorshaha Villa Somalia ayaa ah in tallaabadaas la qaado marka la soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo la filayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu ku soo baxo doorashada ka dhaceysa Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay markaas kaddib diyaarin doonto fadhi uu yeesho Baarlamaanka Federaalka, si loo doorto guddoomiye cusub oo beddela Aadan Madoobe, haddii uu ku guuleysto hoggaanka Koonfur Galbeed.

Qorshaha ayaa dhigaya in doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka la guda galo muddo laba toddobaad gudahood ah kaddib marka la soo afjaro doorashada Baydhabo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka taagan sharciyadda hay’adaha federaalka, gaar ahaan muddada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddada Baarlamaanka Federaalka ay ku ekeyd 14 April 2026, sida ku cad dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee lagu soo doortay hay’adaha hadda jira. Waxay sidoo kale ku adkeysanayaan in muddada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku ekeyd 15 May 2026.

Dhinaca kale, dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in dastuurka cusub ee wax laga beddelay uu muddada hay’adaha dowladda ka dhigay shan sano, taasoo ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn karto illaa 15 May 2027.

Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay in muddada Baarlamaanka Federaalka, dowladda federaalka iyo xilka madaxweynenimada ay ku eg tahay May 2027, isagoo ku adkeystay in arrintaas aysan ahayn go’aan shaqsi ah balse ay ku saleysan tahay hannaanka dastuuriga ah ee dalka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeeda aragtidaas, iyagoo ku tilmaamay muddo-kororsi sharci darro ah oo khatar gelinaya xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayay ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, iyagoo ku adkeystay in wixii ka dambeeyay 15 May uusan lahayn awood dastuuri ah oo uu ku sii hoggaamiyo dalka.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaya loollanka siyaasadeed ee ka dhex socda siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee doonaya inay buuxiyaan booska Aadan Madoobe ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddii uu ku guuleysto doorashada Baydhabo.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Villa Somalia ay hore u diyaarsatay shaqsiga ay dooneyso inuu qabto xilka guddoomiyaha, taasoo ka dhigeysa doorashada soo socota mid qeyb ka ah dagaalka ballaaran ee siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Doorashada Koonfur Galbeed iyo buuxinta kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidaas ku noqday laba arrimood oo si toos ah ugu xiran muranka weyn ee ka taagan muddada dowladda, qorshaha doorashooyinka qaranka iyo mustaqbalka awood qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News