Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa naqdiyay wareysi uu bixiyay agaasimihii hore ee Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay isu bahaysteen afar koox oo uu ku sheegay “jilaa, doqon iyo shirqool,” balse uusan magac-dhabin cidda uu ula jeeday.
Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu door ku lahaa, wax badanna ka ogaa qabashadiisa. Wuxuu ku tilmaamay qof cuqdadaysan oo Soomaali u buga qaan-gaaray.
Wuxuu beeniyay in ay jirto lacag uu ka helay Fahad Yaasiin, kaas oo hore u sheegay inuu Hargeysa ugu diray $20,000. Qalbi Dhagax ayaa arrintaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoo sheegay in haddii lacagtaas la siin lahaa xilligaas ay urur ahaan baahi weyn u qabeen, maadaama ay ku jireen dagaal xornimo-doon ah.
Mar uu ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil, ayuu sheegay in Fahad Yaasiin uu isagu maleegay kiiskaas, isla markaana uu marin habaabiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sheekooyin been abuur ah lagu qariyay kiiska Ikraan, laguna eedeeyay koox uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii hore ee Xasan Sheekh aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.
Sidoo kale, mar uu ka hadlayay booqasho uu xabsiga ugu tegay taliyihii Nabad-sugidda xilligii la dhiibayay, Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe,” ayuu sheegay in qorshaha uu markaas u socday uu ahaa amar ka yimid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Sanbaloolshe ka dalbaday inuu soo ogaado halka uu ku dambeeyay, nolol iyo geeri.
“Sanbaloolshe wuu ii yimid. Wuxuu iigala hadlay saddex ilaa afar qodob. Wuxuu igu yiri, ‘Aniga madaxweynaha ayaa i soo diray. Madaxweynaha wuxuu igu yiri, war ninkii aan dhiibnay inuu nool yahay iyo inuu dhintay bal aan ogaanno, ee ka daba tag oo soo ogow. Qodobka labaad, waxaad soo weydiisaa ninka waxa uu nooga baahan yahay, dowlad Soomaaliyeed ahaan. Waxaana rabnaa inaad tilmaam naga siiso, bacdamaa aad muddo badan dagaal jabhadeed ku jirtay. Cadow khatar ah ayaa nala dagaallamaya, ee tilmaam naga sii sida ugu habboon,’” ayuu yiri Qalbi Dhagax, oo ka hadlayay hadalkii ay is-dhaafsadeen Cabdullaahi Sanbaloolshe, kaas oo uu ku tilmaamay nin runta ka hadla oo uusan been ku aqoon.
“Waxaan Sanbaloolshe weydiiyay sababta ay Itoobiya iigu dhiibeen, wuxuuna yiri, ‘Waan isku kaa badbaadinaynay.’ Intaas ayuu iigu soo koobay warka,” ayuu yiri Qalbi Dhagax.
Qalbi Dhagax ayaa intaas raaciyay in Farmaajo uu rabay inuu hadlo, shacabka Soomaaliyeedna u sheego inuu isagu isu dhiibay Itoobiya.
Ugu dambeyntii, Qalbi Dhagax oo wareysigiisa wax badan kaga hadlay, ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee teeramkii hore aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.
Wareysi uu dhawaan bixiyay Fahad Yaasiin ayaa dhaliyay falcelin, waxaana ka mid ah inuu soo hadlay Qalbi Dhagax, oo sheegay in Fahad uusan waxba ka ogeyn dhiibistii ay dowladdii Farmaajo u dhiibtay Itoobiya.

