Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u adeegsaday hadal uu dhawaan ka sheegay meel fagaare ah, kaasi oo uu uga warramay saboolnimadii uu ku soo barbaaray iyo sida ay dowladdii Soomaaliyeed u samatabixisay.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ku mideysan, ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Madaxweynaha oo duruuftaasi adag ku soo koray uu maanta danyar Soomaaliyeed oo sabool ah barakicinayo.
“Saboolnimada, agoonnimada iyo hooyo korinta waa duruufo ay Soomaalidu u badnaayeen, anigana qudhaydu ku soo koray. Waxaase aan la qaadan karin in Madaxweynaha oo duruuftaasi adag ku soo koray, maanta danyar Soomaaliyeed oo sabool ah awoodda dowladda uu madaxweynaha ka yahay lagu barakiciyo, cooshashkii ay ku noolaayeenna laga dumiyo,” ayuu yiri Warsame.
Madaxweynaha ayuu ku dhaliilay inuusan u turrin hooyada saboolka ah ee ilmaha agoonta korinaysa iyo kuwa kale ee danyarta ah ee duruuftii uu ku soo koray weli ku nool.
Hoos ka akhriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:
Waxaan dhageystay hadal uu Madaxweynuhu kaga warramayay saboolnimadii uu ku soo barbaaray iyo sida ay dowladdii Soomaaliyeed u samatabixisay. Saboolnimada, agoonnimada iyo hooyo korinta waa duruufo ay Soomaalidu u badnaayeen, anigana qudhaydu ku soo koray.
Waxaase aan la qaadan karin in Madaxweynaha oo duruuftaasi adag ku soo koray, maanta danyar Soomaaliyeed oo sabool ah awoodda dowladda uu madaxweynaha ka yahay lagu barakiciyo, cooshashkii ay ku noolaayeenna laga dumiyo, carruurtoodana afka lagu qaato, dhulkii laga barakiciyeyna siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiisha barakicinta lagu naaxiyo.
Madaxweynow, sow ma ahayn inaad u turtid hooyada saboolka ah ee ilmaha agoonta korinaysa, iyo kuwa kale ee danyarta ah ee duruuftii aad ku soo kortay weli ku nool, halkii adiga iyo inyar oo kale ka naaxi lahaydeen?
Soo Ilaaheey kuuma kasin in dowladdii ku badbaadisay aad maanta Madaxweyne ka tahay?
Mise waa halkii uu hal-abuurkii Soomaaliyeed ka yiri:
“Waa Duni danyartii agoontii
Inta layska dacal maray
Xaqoodii la duudsiyey
Kii aan dabkaba shidan
La damaaciyaayoo
Dulmigii la sahansaday.
Damqashadu sad weeye
Damiirkii maxaa helay
Dadka kala fadilayee
Hadmaa daawo loo heli?
Midka daaro jeexdiyo
Danyaraha miskiinkaa
Siday Diinta nagu tiri
Daa’in way u siman yihiin.”

