Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweynaha Puntland ayaa saaxiib dhow la’ah Imaaraadka Carabta. Xogaha aan ka helayno socdaalkiisa uu ku tegayo Abu Dhabi ayaa sheegaya in halkaasi uu shirar siyaasadeed kula yeelan doono mas’uuliyiin sare oo kamid ah dowladda Imaaraadka.
Inkastoo laga helin, faah-faahin dhameystiran oo la xiriira safarka Saciid Deni, haddana waxay wararka qaar sheegayaan in martiqaad rasmi ah uu ka helay Abu Dhabi.
Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in safarkiisa uu kusii horeyn doono Itoobiya, halkaasi oo uga sii gudbi doono Imaaraadka Carabta.
Deni ayaa Addis Ababa ku booqan doona askar ka tirsan ciidamada maamulka Puntland oo ku dhaawacmay hawl-galka Calmiskaad, halkaasna lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, si uu kormeer ugu sameeyo xaaladda dhaawacyadaas.
Safarkaan ayaa imanaya xilli maamulka Puntland uu dekedda Garacad ee gobolka Mudug ku wareejinayo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, taasoo qorsheyneysa maalgelin ballaaran oo dekeddaasi lagu sameeyo.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo hore h xaqiijiyay arrintaan ayaa sheegay in muddo ay socdeen wada-hadallo farsamo oo la xiriiray wareejinta maamulka dekedda.
Dekedda Garacad aya waxaa haatan gacanta ku haysa shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Wadaagsan.
Si kastaba, Imaaraadka ayaa hore gacanta ugu hayay dekedda magaalada Boosaaso, taas oo weli aysan dhammeystiran dhismaheeda.

