28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Xogta weerar ay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ku qaadeen Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo ku beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Nuur Mahad Xasan, waxaana ciidamadu ay ku gaareen deegaanno muhiim ah oo kadib ay ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah.

Deegaannada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Sanguuni, Muuse Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni oo dhammaantood ku yaalla hareeraha wabiga Jubba.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland waxaa sidoo kale howlgalka lagu khaarijiyay maeeshiyaad ka tirsanaa kooxda, iyada oo lagu dhaawacay tiro kale.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku guuleystay inay miinooyin kasoo saaraan waddooyinka iyo gudaha deegaanada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ee gobolka Jubbada Hoose.

“Inta lagu guda jiray howlgalka waxaa lagu dilay xubno ka tirsan AS, tiro kalena waa lagu dhaawacay, halka miinooyin badan oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka ay ciidanku fashiliyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ciidamada ayaa furay waddooyin xirnaa oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha, kuwaas oo ay horay u saameeyeen fatahaad u sameeyay wabiga.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana Jamaame iyo hareeraheeda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq culus oo halkaas ay ka wadeen ciidankada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa badanaa weeraro kasoo abaabuli jiray Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay dagaal ay maalin kahor ku ekeeyeen saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News