Mucaaradka Somaliland oo sheegay in dagaalka Laascaanood ‘ay wadaan xulufadii’ Siyaad Barre

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo ka hadlay dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ay wadaan xulufo ay sheegeen inay la fikir yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in markii hore kacdoonka reer Laascaanood ee isku badalay gacan ka hadalka uu ku yimid hoggaan xumada Muuse Biixi ee Somaliland.

Faysal ayaa dagaalka socda ku tilmaamay mid looga soo horjooda jiritaanka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah in ka badan 30 sanno.

“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad Barre,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa ku baaqay in reer Somaliland ay u midoobaan sidii Somaliland looga bad-baadin lahaa wax uu ugu yeeray “wuxuush qaranka dumineysa”.

“Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuushta isa soo baahaystay ee duulaanka ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Somaliland ayaa hore dhowr jeer dagaalka Laascaanood ka socda ugu eedeysay dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin dowladda federaalka, maamulka Puntland iyo kooxo ay ku sheegtay argagixiso.

Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa dhankooda beeniyay sheegashooyinka Somaliland, iyaga oo sheegay in shacabka reer Sool oo kaliya ay dagaalka ku jiraan Somaliland.

Xiisadda Somaliland iyo dadka ree SSC ayaa kasii dartay kadib markii Isimida SSC ay caddeeyeen inay kasoo horjeedeen kala goynta Soomaaliya iyo mashruuca Somaliland ee gooni isu-taagga, islamarkaana ay sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka.