Sawirro: XASAN oo qorshe culus ka billaabaya Jubaland kadib heshiiskii Baydhaba

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi ka billaabi doona qorshaha Jubbaland heshiis ah, xilli ay muddooyinkii dambe uu maamulkaasi ka taagna xiisadda xoogan oo la xiriirta gobolka Gedo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u kuur-gali doona xaaladda deegaannada Jubbaland, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya dardar-gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannad ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Xasan Sheekh ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title