Booliska oo iska fogeeyey ninkii galabta Muqdisho ku dilay darawalka ee baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Taliska Boliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkii galabta dilay darawalka Mooto Bajaajta uusan ka tirsaneyn booliska, isla markaana uu baxsaday.

Taliska ayaa shaaciyey in baaris hordhac ah lagu ogaaday in ninka dilka geystay iyo mid la socday oo ciidanka aan ka tirsaneyn ay wateen qori AK47 ah.

“Galabta abaara 04:00pm Dableey Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo Mid kamid ah watay Qoriga AK47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Mooto Bajaajta ku dilay agagaarka Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska gobolka ayaa sidoo kale cadeeyey in raggii dilkaas geystay ay goobta isaga carareen, isla markaana uu socdo dabagal la doonayo in lagu soo qabto.

“Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aysan askar dowladeed aheyn, ragga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Dilka galabta loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo saacadii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho.

Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana shalay iyo maanta qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka.

Intii uusan dilkaasi dhicin galabta, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu maanta yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tarayey hadalheynta iyo tuhunka la xariira cidda ka dambeysa dilka joogtada noqday ee loo geysto wadayaasha mooto Bajaaj-ta, banaanbaxyo ka dhashay dilkii ugu dambeeyey ee galabta isgoyska Jubba ka dhacay ayuu dhigay shacab careysan.