Malta (Caasimada Online)- Arrintii ugu yaabka badneyd ayaa ka dhacday maxkamad ku taal Dalka Malta markii nin soomaali ah oo dacwad loo heystay inuu bilaabay inuu maxkamadda dhexdeeda dharka isaga siibo.
Ninkaan ayaa go’aansaday inuu dharka iska siibo markii qaadigii maxkamadda uu diiday in ninkaan lagu sii daayo damiin wuxuuna bilaabay qeylo iyo Ooyin isku darsan sida ay maanta qoreyn waregeysyada ugu caansan ee adduunyada kasoo baxo.
Ninkaan falkaan sameeyey oo 22 jir ah ayaa lagu magacabaa Maxamed Cabdi Xasan waxaana loo heystay fal dambiyaad ah inuu mindi ku ceyrsaday nin kale oo soomali ah uguna hanjabal inuu nafta u dhaafin doono.
The Times Malta oo ah wargeyska ugu weyn ee halkaas kasoo baxo ayaa sheegay inuu ninkaan daganaa degmada San Gwann ee dhacdo bartaha Malta laga dhacay moobeelkiisa iyo kabihiisa wuxuuna wacad ku maray inuu dili doono ninka wax ka dhacay waana sababta ugu weyn ee ninkaan loo soo xiray.
Midda kale oo yaabka noqotay ayaa ah inuu ninkaan booliska hortiisa ka sheegay inuu ninkaas dili doono maadaama uu damcay inuu xoolihiisa dhaco, wuxuuna maxkamadda hortiisa ka qiray inuusan hanjabaadaas ujeed kale ka laheyn.
Francesco Depasquale oo ah qaadiga qaaday dacwada ninkaan ayaa sheegay inaan damiin lagu sii deyn doonin inkastoo uusan gelin dambi weyn oo xad dhaaf ah.
Ninkaan ayaa markii la amray in xabsiga la geeyo bilaabay inuu dharka tuurto isagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid aheyd “ Sidee macquul ku tahay inaan xabsi gelo, midaas waxaa ka xigaa inaan isdilo” .
Ninkaan dacwadiisa ayaa mar kale dib loo dhageysan doonaa waxaana booliska lasii amray inay ninkaan geeyaan xabsiga inta dacwadiisa dib looga furayo.
Caasimada Online
Xafiiska Maltay
[email protected]

