Mudane Ra’iisul-wasaare – hiigsiga himiladeenna, hal arrin baa ka dhiman!

Waxa lagu yaqaan xukuumadaha is-baddal doonka ah ee hadda un kasoo kabsanaya nidaamyadii dib u dhaca ku keenay ayaa ah gaabis kaga jira hir-gelinta himilada cusub iyo helid la’aanta halbeeg sugan oo lagu jaado dejinta shuruucyada ay doonayso inay ku meel-mariso ahdaafteeda.

Taas waxay kuusoo baxaysaa marka aad dib u eegto halka xukuumadda Mudane Kheyre ay wax ka bilowday iyo xulashada hal-doorradii kala shqeyn lahaa qorshihiisa. Markii uu qaadayay saanqaadka hore, dad badan maysan filayn inuu la imaan karo tallaab aan lagu baran kuwii kaga horreeyey iyo dhalinta yididiilo cusub.

Balse ugu yaraan, wuxuu tusaale nool u noqday in dhammaan madaxdu aysan isku hadaf iyo aragti ahayn. Wuxuu maalinba maalinta ka danbeysa sugayay inay nagu jiraan ikhyaar indheer-garad ah.

In kasta oo xukuumadda ay ku badan yihiin aqoon-yahanno badigood da’yar ku cusub siyaasadda ah, haddana sifada maamulka Mudane Kheyre uu la wadaago kuwii ka horreeyey waa in magacaabista mas’uuliyiinta kala duwan ay, aqlabiyad ahaan, isugu jiraan dad qurba-joog ah iyo kuwa caan ah.

Aalaaba magacaabista xubnaha kamid noqonaya dowlad kasta waxaa go’aamiya dadka siyaasadda kaga horreeya oo – iyaga oo ku saleynaya hannaanka beel-ku-qeybsiga – ku tala-bixinaya in xilkaas loo magacaabo.

Hayeeshe mid iyo ka badan ayaan ilaa hadda helin jawaabtii loo baahnaa: in intee la’eg ayay siyaasiyiintani ama xittaa madaxda xukuumadda ay qofka ku qiimeeyaan indheer-garadnimadiisa ‘Visionary’?: Kaliya ma inuu caan yahay mise ka yimid qurbaha ayaaba ah shuruudaha aas’aasiga u ah magacaabistiisa?: Maxaa iyada oo xittaa la marayo hannaanka wax-ku-qeybsiga xilalka loo waayay in la magacaabo qof hibo u leh – hadaf iyo yoolna u heysta xaqiijinta himalada dhow iyo midda fog oo uu is-baddalka qeyb kaga noqonayo?

Su’aalahaas, Mudane Ra’iisul-wasaare, waxay iila muuqdaan inay u baahan yihiin wax ka badan war-celin afka baarkiisa ku siman: waa muhiim in la helo dad qorshe cad iyo hadaf muuqda ka leh jagada loo magacaabayo una muuqato ujeedka loogu dhaariyay xilka!!

Muhiimad weyn uma arko in qof maanta la magacaabo berrina uu xilka u gacan baneeeyo baddalihiisa – isaga oo wax muuqda oo la taaban karo dhaxal ahaan kaga tegin bulshada uu xilka u hayay.

Albert Einstein ayaa wuxuu leeyahay hadal qurux badan oo ah: ‘Gebi-dhacleyntu waa ku cel-celinta sameynta hal shey mar iyo marar badan adiga oo filanaya inaad toos u tiigsato natiijada ugu fiican.’

Maamulka dowladeed oo aan lagu hagin dheelli-tir iyo turxaan-bixin mar iyo marar, waxay iyaduna caqabad ku noqotaa is-baddalka loo baahan yahay.

Nagu filan dadka magaca leh oo xilalka lagu sharfo sida inay mudnaayeen. Waxaan u baahannahay dahabka dahsoon ee nagu dhex jira inay helaan fursad. Waxaan hubaal kuu leeyahay, waxaa jira dad is-baddalka aad bilowday kula dhameystiri kara: dalkanna gaarsiin kara meel dunidu aysan ka filan abid.

Sidaas darteed, sida ay kaaga go’an tahay inaad sees u noqoto is-baddalka dhalanaya, suura-gal matahay inaad fursad siiso dadka aysan indhaha bulshadu wada qaban oo yoolka iyo hiigsiga fiican oo ay la nool yihiin jecel inay dalkan ku dhaqan-geliyaan?!

Runtii, marka aan arko sida magaaladu iska tahay: iyo sida mas’uuliyiinta xilalka haya aysan ugu cibaadaysaneyn waajibka loo dhaariyay, waxaan ka niyad-jabaa mustaqbalka uu yeelan doono dalkeenna iyo jiilka soo aadan rajadooda.

Tusaale ahaan, kolka guddoomiye degmo oo xilka isaga fadhiya – lagana yaabo inuusan aqalkiisa usoo dhaafin gudashada waajibkii loo igmaday: kuna sugan xafiiskiisa bilaa qorshe maalinle ah, waxaa igu adkaata inaan suuraysto sida aan qoysaskeenna xaaafadaha ku wada nool ugu diyaarin karno isku duubni iyo qaran lagu wada barwaaqaysto.

Haddii is-baddalka loo jiheystay xaqiijintiisa la doonayo inuu miro-dhalo, waxaan aaminsanahay in gunta hoose laga soo bilaabo. Taasina waa in sal looga dhigaa helidda qof saaxibul-hadaf ah: og sida loo hir-gelin karo hiigsiga yoolkiisa.

Haddiise aysan taasi dhicin, mas’uuliyiinteennu waxay si ficil ah u matalayaan weer uu Denis Weltey ku leeyahay; nolosha gudaheeda waxaa jira laba doorasho: inaad ku aqbasho xaaladuhu si ay yihiin: ama inaad qaadato mas’uuliyadda kaa saaran wax ka beddelkooda. Waana dhab oo intooda badan waxay qaateen doorashada hore.

Mudane Ra’iisul-wasaare, waxaan ku talinayaa inaadan mas’uuliyadda qaranka ku gaar yeelin dadka siyaasadda loogu jiro ee garabka heysta, kuwa caan baxay ee warbaahinta laga bartay iyo qurba-joogta dibadda ka timid oo kaliya.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed –
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid