Wada-hadallo ka furmay magaalada HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) ―Waxa maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa ka socday Kulamo Wada-hadal ah oo ay yeelanayeen Masuuliyiin ka kala socday xisbiyada Qaranka, kuwaasi oo ka arrinsanayay waxa laga yeelayo wakhtiga ay qabsoomeyso Doorashada Golaha Wakiilada, oo ilaa hadda la isku mari-layahay qaabka ay u dhaceyso iyo weliba guddiga doorashooyinka ee doorashadaasi qabanaya.
Haddaba arrintaasi ayey Caasimada Online waxay wax ka weydiisey Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka tirsan Saraakiisha Sar-sare ee Xisbul xaakimka Kulmiye uga qeyb-galayay wada-hadalladaasi.
“Xisbiga Waddani mowqif cad buu isagu istaagay oo ah inuu wada shaqeyn la yeelaneyn Guddiga doorashooyinka, in aanu diyaar u aheyn, Xisbiga Kulmiye isaguna mowqif cad buu taaganyahay oo ah in komishankan la badali karo markuu wakhtigiisu dhamaado, wakhtigoodana wuxuu ku egyahay 29-Nov, inta ka horeysa iyagaa xaq uleh in howlihii doorashada sii qabtaan, diiwaan-gelin ha noqoto ama diyaarin agabyo kale ha noqoto, markaa himika labada xisbi waxay isku waafaqsanyihiin kominshankani maadama wakhtiga doorashada dhaceyso uu dhamaanayo xili shaqadooda, waa isku waafaqsanahay, laakiin waxan ku kala duwanahay Komishankani inta wakhtigiisa uga hadhay howlihii doorashada ka horeeyay hasii diyaariyo oo hasii qabto wuu diidanyahay kaa, anaguna kaasa u diyaarsanahay oo ogolnahay.”
Wuxuu intaa sii raaciyey Xinif  “Xisbigayaga Kulmiye wuxuu diyaar u yahay ogolyahayna in bisha October komishan cusub la magacaabo”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com