Muddo hal bil oo 1,900 oo Soomaali laga soo tarxiilay waddanka Sacuudiga

Jidda (Caasimada Online)-Hey’adda socdaalka muhaajiriinta adduunka ee loo soo gaabiyo IMO ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in ay kordheen tirade dadka Soomaalida ee sidda qasabka laga soo celiyo dalka Sacuudiga.

Warbixin ay soo saartay hey’adda ayaa lagu sheegay in bishan oo kaliye si qasab ah looga soo celiyay 1913 qo.

Guud ahaan tirade sidda qasabka loo soo celiyay ayaa gaaraya ilaa 3 kun oo qof tan iyo bishii December.

Si kastaba, hey’adda ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso Soomaalida ku nool dalkeeda.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ka carartay dalkooda tan iyo sannadkii 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com