Daawo: Axmed Daaci oo sheegay inaan Guuleed looga hari doonin iscasilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu sheegay in wasiirkii hore ee amniga qaranka aan looga hari karin dhibaatada uu u geystey dalka iyo dadka Soomaaliyeed asagoona codsi ku aadan in sharciga la horkena wasiirka hore ee amniga qaranka u direy xildhibaada baarlamaanka Soomaaliyeed. 

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu codsi ku aadan in lala xisaabtamo islamarkaan maxkamad la soo taago uu u direy xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed iyo waliba madaxda sare ee dowlada wasiirkii hore ee amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ee dhawaantaan iska casilaya xilka, Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu sheegay inuu wasiirkii hore ee amaniga uu baabi’iyey dalka iyo dadkiiba islamarkaan inuu dhaho xilkii waa ka tagey oo kaliya inaan looga harin intaas ee ay haboon tahay in maxkamad la soo taago oo sharcigana la horkeeno oo lagu qaado dhibaatada uu gaarsiiyey dalka iyo dadka intii uu hayey xilkaas ah wasiirka amniga qaranka Soomaaliyeed. 

Halkan ka daawo Daaci