C/weli oo magacaabay wasiirka amni..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si kumeel gaar ah u magacaabay wasiirka ammaanka qaranka, wuxuuuna u magacaabay wasiirka gaashandhigga Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud.

Magacaabistan ayaa timid markii kulan ay qaateen ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaashandhigga, kaasoo looga arkay bal in xilkaas bannaan la buuxiyo.

Wasiirkii horre Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iska casilay xilkaas 24-kii bishan May kaddib markii weerar shan saac socday uu ka dhacay aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Cabdikariim ayaa xilkaas hayay muddo 20 bilood, balse waxaa la sheegay in uu ku guul darreestay in uu wax ka qabto ammaanka caasimada Muqdisho.

Si kastaba, waxaa ra’iisal wasaaraha laga sugayaa in uu soo magacaabo wasiir cusub oo wax ka qabta ammaanka Muqdisho oo hadda u muuqda mid faraha ka baxay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com