Xasan Sh. oo BF ka hor sheegay hadal yaab leh “Wixii ka dambeeya 2016-ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kal fadhigga 5-aad ee golaha baarlamaanka ayaa sheegay in marka la gaaro sannadka 2016-ka aanu jiri doonin wax muddo kororsi ah oo ay madaxda dowladda ama xildhibannada loo sameeyo isagoona qeexay in xilligaas ay dalka ka dhici doonto doorasho rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sannad ka hor arrinta ku saabsan hiigsiga 2016-ka oo ay uu ku dhaawaaqay in weli sideedii ay tahay isla markaana la meel marin doono.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay muranka badda ee Kenya, wuxuuna sheegay in maxkamadda caalamiga ee ICG ay u sheegeen in aan muran lagalin Karin badda Soomaaliya waxaana arrintaas baarlamaanka looga baahan yahay ayuu yiri in ay u huuliyaan dowladiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa baarlamaanka uga tacsiyeeyay xildhibaannada geeriyooday muddadii ay fasaxa ku maqnaayeen xildhibaannada.

Wuxuu ku tilmaamay xildhibaannada la dilay ‘shuhaddo’ u adeegayay dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku ammaanay baarlamaanka dedaalka uu muujiyay muddadii labada sanood ee uu jiray.

Wuxuu ballanqaaday inay dowladdu dhawri doonto xasaanadda mudaneyaasha, maadaama ay dadka iyo dalkaba u hayaan shaqo qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com