Document xasaasi ah:- Somaliland iyo Puntland oo codsaday inay federaalka Ethiopia ka mid noqdaan iyo ujeedka

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Wargeysyada wax ku qora afka Amxaariga ayaa toddobaadkan qoray qorshe ku aadan Somaliland iyo Puntland in ay codsadeen in ay ka mid noqdaan Itoobiya.

Somaliland iyo Puntland waxay ku dhaqaaqeen wax allaale iyo wixii u  usuurtogalin kara in ay ku biiraan ama ay la midoobaan Dowladda Federaalka Itoobiya, Iyagoo  waraaqaha ay arintan ku dalbanayaan noqolo ka mid ah u qaybiyey dowladaha: USA, UK iyo EU.

Arintan oo aad u adag, ahna arrin xasaasdiyad badan, ayay diideen ilaha xogtani aanu ka soo xiganey in ay wax faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan.

Labadan maamul goboleed ayaa aaminsan an aanay xaqiiq ahaan hadaba ka mid ahayn wadankoodii hooyo ee Soomaaliya oo ay hadaba ka madaxbanaanyihiin dhan kasta oo laga eegaba.

Somaliland iyagu marhoraabay cadeysteen oo ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale iyagoon wali helin wax aqoonsi ah.

Puntland ayaduna haddaad moodaa inay ku dul wareegeyso arin taa la mid ah oo ah in ay ku dhawaaqaan in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Damacan guracan ee Somaliland iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu mudoba soo jiitamayey.

Codsigan Somaliland iyo Puntland ee ka midnoqoshada Shucuubta Dowlada Federaalka Itoopiya ayaa bilowday intii uu noolaa Hogaamiyihii ka danbeeyey hirgalinta Dowlada Federaalka Itoobiya ee ku salaysan Shucuub ama qowmiyado isu tagey.

Hogaamiyahan ayaa Shucuubta Itoobiya dhexdooda looga yaqaaney: Wiilkii Wadanka, oo loola jeeday Wiil u kacay sidii uu dhibaatada uga saari lahaa Dadkiisa iyo Dalkiisa una gaadhsiin lahaa horumar balaadhan oo dhankastaba ah.

Ilo diblomaasiyadeed oo aan dooneynin in la magacaabo, ayaa sheegaya in arintani tahay arin aad u xasaasi ah. Dhanka kalena Itoobiya lafteeda uu damac kale hayo., Kaasoo ah in Itoobiya ay isku fidiso gaadhana meel allaale iyo meeshii ay ka heli karto Bad.

Diblomaasigan ayaa u digey Dowlada Itoobiya, kulana taliyey in ay arintaa ka fogaadaan. Haddiise ay ka maarmi waayaan, in ay arintan ogolaansho uga helaan Dhammaan Shucuubta kala duwan ee ku dhaqan Dalkan Itoobiya iyo Baarlamaanka Federaalka, iyadoo aan marna la saadaalin Karin khatarta ka dhalan karta arintan xasaasiga ah.

Puntland iyo Somaliland ayaa intan ay dadaalka ugu jireen in ay ku biiraan oo ay ka midnoqdaan Dalka Itoobiya, waxay xubno muhiim ah oo ka socda Dowladaha Puntland iyo Somaliland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano isaga daba noq-noqonayeen magaalada Adis-Ababa oo ah Xarunta Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Waxay labadan maamul ee is barbar yaacayey mid waliba dhankeeda ku beerlaxawsanayeen Hogaanka sare ee Dowladda Itoobiya, in ay shuruud la’aan siinayaan Dakadaha kala ah Barbera iyo Boosaaso kuwaasoo ku kala yaala labadan Maamul ee hoos gableynaya Dowladda Itoobiya. Iyo iney dhankooda (waa labada maamul ee Puntland iyo Somaliland) ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan dhismaha dariiqyo dhaadheer oo laami ah oo markaa isku xidhaya Dakadaha ay labada maamul ugu baaqayaan Itoobiya in ayba yeelato iyo dhul weynaha Dowladda Itoobiya.

Diblomaasi aan magaciisa la shaacinin ayaa noo sheegay in uu ku yidhi hogaanka sare ee Itoobiya gaar ahaan kuwa ugu cad-cad siyaasad ahaan ee Tigreyga: Hadii bad raadintu ay idinka dhab tahay, miyaaney idiinka habooneyn in Eritrea oo Dhaqan ahaan iyo Dhiig ahaanba idiinka dhow Maamuladan Soomaalida oo hadana Dal mid ah aad wada ahaan jirteen, ineydun dadaal fara badan galisaan sideydun u soo celin lahaydeen xidhiidhkii idinka dhaxeeyey, si markaa ay idiinku fududaato in aydun isticmaashaan Dakada halkaa ku taala ee Casab.

Diblomaasiga oo talada uu Tigreyga siinayey sii wata ayaa wuxuu u sheegay in ay tahay arin aad iyo aad u adag oo dhibaato farabadani ka iman karto sida looga dhaadhiciyo Shacabweynaha Soomaaliyeed, in labadan maamul (Somaliland & Puntland) oo ka tirsan Soomaaliya ay la midooban Dalka ay jaarka yihiin, cadaawad horena ka dhaxeysay ee Itoobiya.

Diblomaasigu wuxuu ku soo gabagabeeyey talada uu siiyey Dowladda Itoobiya in Fikirkan ay dabada ka riixayaan Somaliland iyo Puntland uu halis ku yahay Nidaamka Federaalka ee hadda ka jira Dalka Itoobiya.

Horey ayey Dowladda Itoobiya heshiis qarsoodiya waxay ula gashay Dowladda yar ee ay jaarka yihiin ee Jabuuti. Heshiiskan ayaa ku saabsan dhul biyood ka tirsan Itoobiya oo lagu wareejiyey Jabuuti,. Iyo Koronto lagasoo qaado gudaha Dalka Itoobiya lana soo galiyo Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF ayaa shuruud la’aan iyo canshuur la’aan waxay siiyeen Dowladda Jabuuti tiro aad u fara badan oo dhul beereed ah, Iyadoo isla markaana aad loogu soo dhaweeyo Muwaadiniinta reer Jabuuti Dalka Itoobiya in ay maalgashadaan.

Mudane Dina Mufti oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa la weydiiyey halista ka iman karta Heshiiskan oo aan laga ansixinin Baarlamaanka Itoobiya lagana qariyey.

Dina Mufti waxa uu ku macneeyey heshiiskan mid dhaxal gal ah, oo marka labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti ay wadaagaan Biyaha iyo Korontada, ay taasi horseed u noqonkarto in ay labada dal midnimana aakhirka si howl yar u wadaagaan.

Dhanka kale Diblomaasi wax laga weydiiyey suurowga Somaliland iyo Puntland oo ay Itoobiya sidan Jabuuti oo kale ula macaamisho, una soo dhaweyso Muwaadiniintooda, ayaa arintaa ku tilmaamay riyo maalmeed aan dhici Karin.

Diblomaasi kale oo arintan Somaliland iyo Puntland ay ku doonayaan in ay kula midoobaan Itoobiya wax laga weydiiyey, ayaa waxa u farta ku fiiqay Qodobka 39aad ee Dastuurka Federaalka Itoobiya, Faqradiisa 1aad, kaas oo cadeynaya in Shucuubta ku midowdey Dastuurka Federaalka Itoobiye ay xaq u leeyihiin in ay ismaamulaan, markey rabaanna ay go’i karaan.

Qodobkan Dastuuriga ah ayuu Diblomaasigu ku tilmaamay mid ay ku deg-degeen Xisbiga talada Itoobiya haya ee EPRDF, Wuxuuna sheegay in aanay EPRDF si wanaagsan u fikirin markay qodobkan ku dareen Dastuurka.

Diblomaasigan ayaa kula taliyey Dowladda Itoobiya in ay gacmahooda dib ugala laabtaan Somaliland iyo Puntland iyo hammigooda bad raadiska ah, kuna ekaadaan Wadankooda.

Waxaa la xasuusiyey Dowladda Itoobiya in colaadihii u dhexeeyey iyaga iyo Soomaaliya la seexiyey oo ay nabanyihiin, laakiinse aan la xalinin, Waxaana suurta kal ah in Colaadahaa la seexiyey ee nabani ay waqti kasta soo toosi karaan oo ay bib u soo noolaan karaan.

Diblomaasigani wuxuu taladiisii kusoo gaba-gabeeyey oo uu yidhi: Xooga ugu weyni waa Fikirka, ma aha mid Ciidan. Wax awood ciidan lagu gaadhana waxaa ka fa’iido badan waxa fikirka lagu keeno.

Fikirka ah in Somaliland iyo Puntland ay la midoobaan Itoobiyana waa Fikir waqtigiisii ka horeeya oo kaadsiinyo mudan.

Hadaba Somaliland mey qarsan jirin Fikirkeeda in ay rabto in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, oo horaa Hargeysa looga yidhi: In aanu Soomaaliya kasii mid ahaano, waxaa noo dhaanta anagoo Itoobiya la midowna.

Arinta Soomaalida badankeeda ku cusub ayaa ah Puntland oo iyana Fikirkan qarsaneysay, in kasta oo laga dareemi karayey hab dhaqnka Puntland ee mar-marsiiyo doonka ah sanadahan u danbeeyey.

Haddaba akhriste halkan hoose ka eego warka aan kor ku soo sheegnay halka aan kasoo xiganay

http://www.goolgule.com/puntland-and-somaliland-to-be-part-of-ethiopia

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis-Ababa

Caasimada@live.com