Sawirro: Qarax galaaftay nolosha dad badan oo Kismaayo ka dhacay maanta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Qarax halkaasi ka dhacay ay ku dhamaadeen dad farabadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu galaaftay geerida ugu yaraan 5 Qof oo Rayid ah.

Qarax ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Via Afmdow ee Kismaayo, waxaana lasoo sheegayaa inuu ahaa Miino lagu aasay Wado Mashquul badan oo ku taalla Xaafadda Dalcadda oo kamid ah Calanleey, iyadoona miinadaasi lala eegtay Kolonyo Gaadiid military ah oo ay la socdeen Ciidanka Burundi ee kamidka ah AMISOM.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Magaalada Kismaayo uu ka socdo shir la sheegay in lagu heshiisiinaayo beelaha halkaasi dega.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com