Xog kasoo korartay shirka KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maalintii 6-aad ka socda shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Cabdi Baaleey Xasan waa guddoomiyaha shirkaas, wuxuu u warramay warfidiyeen isagoona sheegay in shirka Kismaayo uu meel fiican marayo isla markaana lagudagalay siddii la isku soo hor fadhiisin lahaa beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay maalintii shaley in ay is hor fadhiisteen beelaha Jareer Weyne iyo Cowrmali iyagoona si cad isaga codsaday in ay cafiyaan, waxaana meesha ka dhacday ayuu yiri in gabdho la is dhaafsaday.

Cabdi Baaleey wuxuu kaloo sheegay maanta oo Sabti ah in ay kulmeen beelaha Harti iyo Gaaljacel iyagoona iska codsaday in ay is cafiyaan maadama ay gobalka wada dagaan.

Maalin berri ah waxaa kulmaya ayuu yiri Shiiqaal iyo Biyo Maal, sidaas ayuuna shirka ku soconaya ayuu yiri guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Cabdi Baaleey wuxuu ka hadlay in maanta ay kulan gaar ah yeesheen guddigooda iyo beesha Sade loogana hadlay siddii beesha bal ay door iga qaadan lahayd shirka ka socda Baydhabo.

Mar la weydiiyay xaalka Barre Hiiraale oo aqbalay in uu la heshiiyo maamulka Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in weli fursad ay u furan tahay saaxibkood oo aan fikirkiisa iyo tallaadiisa laga maarmin

Ugu dambeen wuxuu sheegay in shirarka ka socda Kismaayo marka uu soo dhammaado in laga sameen doono war-murtiyeed kaasoo loo gudbinaayo Beesha caalamka, IGAD iyo dowladda Soomaaliya si loo dhiso maamul loo dhan yahay ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com