Jawaari oo runta u sheegay Xasan Sh. kaddib markii ay dhacday arrin uu ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlaayay kal fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka, ayaa ku celceliyay in guddoonka baarlamaanka uusam mar dambe aqbali doonin in xasaanadda laga qaado xildhibaan ka tirsan baarlaamnka.

Jawaari ayaa hadalkan ka hor jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay kulanka baarlamaanka halkaasna khudbad dheer ka jeediyay oo ku aadan wax yaabaha ay qabatay dowladiisa iyo qorshaha ay lee dahay ka hor 2016-ka.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa goobta ka sheegay intii fasaxa ay ku maqnaayeen xildhibannada in ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen gurriga mid ka mid ah xildhibaannada halka mid kalena ay xireen oo ay ka qaadeen xasaannada “Taasna ma yeeleyno” ayuu yiri.

Jawaari ayaa hadalkan markii uu sheegayay ay ka muuqatay sida uu uga xun yahay tallaabadii uu ku dhaqaaqay agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe kaasoo weerarray xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan.

Jawaari ayaa madaxweynaha si cad ah ugu sheegay in looga baahan yahay hey’adda ammaanka in ay ilaaliyaan xasaanadda uu lee yahay xildhibaanka haddii kale sharciga uu qabanaayo qofkasta oo xil haya.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha baarlamaanka uu si cad ah uga hadlo tallaabadii uu qaaday taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka.

Dhinaca kale, guddoomiye Jawaari ayaa fariin u diray xildhibannada maqan wuxuuna u sheegay in wixii hadda ka dambeeya lala xisaabtami doono xildhibaankii ka maqnaada fadhiyadda baarlamaanka maadama shaqooyin adag ay horyaallaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com