Xog: Xasan Sheekh oo taliye caan ah u magacabaya agaasimaha nabad sugida

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka iyo Sirdoonka uu u magacaabayaa C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Tuuryare, ayaa hadda ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu horey kaga soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida, ka hor inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada.

Tuuryare, ayaa sidoo kale ah shaqo xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaacabida Tuuryare waxay imaneysaa markii maanta uu Madaxweynuhu aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiiradu ay ku sameeyeen Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isaga oo dib xilka uga qaaday Sambaloolshe.

Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa lagu wadaa in Warbaahinta si rasmi ah loogu bayaaniyo magacaabida Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Ka hor inta aan la magacaabin Tuuryare, ayaa waxaa sidoo kale la hadalhaayay in jegadaasi loo magacaabi doono Fahad Yaasiin oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha, kuna heyb ah Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com