Xasan Sheikh oo Sambalooshe xilka ka qaaday, si uu awooddiisa u soo ceshto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu dambeen xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Golaha Wasiirada ee Somaliya, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Sanbaloolshe 7-dii bishaan, taa oo dhalisay is qab qabsi xagga Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Hadaba Digreeto uu maanta soo saaray Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa xilka looga qaaday Sanbaloolshe, iyadoo Madaxweynuhu uu Digreetadu u cuskaday qodobo Dastuuri ah.

Digreetada, ayaa sidaan u qorneyd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda.

Laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha wuxuu xilka Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Sanbaloolshe, ayaa waxa uu xalay dib xoriyadiisa u siiyay Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Maamulkii Tarsan, ka dib markii 15-kii bishaan uu dagaal kala horyimid Xoogaga Nabad Suggida, xabsigana loo taxaabay.

Xil ka qaadista madaxweynaha uu ku sammeeyey Sambaloolshe, ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo uu kusoo ceshanayo awooddiisa, maadaama xil ka qaadista iyo magacaabista taliyayaasha ciidamada ay tahay awoodda madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha la weydiistay inuu aqbalo un xil ka qaadistii Sambaloolshe, balse uu ka door biday inuu iaga xil qaadista sammeeyo, si aysan ugu ekaan in ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo la wareegaya wooddiisa.

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com