Muhiimadda Gedo ee 2020: Jubaland waxaa u muuqda arrin ka weyn joogitaanka ciidamada dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii Muqdisho ee madaxweyne Farmaajo uu la yeelan lahaa Axmed Madoobe iyo Deni ayaa maalmo hakad galay kadib markii jubaland ay ku akdeysatay in ciidamada dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo.

Hase yeeshee, xiisadda gobolka Gedo way ka weyn tahay ciidanka hadda jooga ee dowladda, waxaana loolanka socda uu salka ku hayaa ama qeyb ka ah kuraasta baarlamanka federaalka ee soo socda.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmoooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Heshiiskii Dhuusamareeb 3 waxaa ku jiray in doorashooyinka ay ka dhacaan saddex magaalo halkii maamul goboleedba, magaaladii aan amni ahayna ay guddiga doorashooyinka ka wareejin karaan, waan qodobkan meesha Jubaland aadka uga cabsida qabto.

Haddii guddiga doorashada, oo ku xiran Villa Somalia ay go’aamiyaan saddex magaalo oo mid Kismaayo tahay, labada kalena ku kala yaalaan tusaale, Gedo iyo Jubbada Dhexe, waxaa macquul ah in midda Jubada Dhexe loo soo wareejiyo Gedo, sidaasna Jubaland ku weyso maamulka 66% kuraasta baarlamanka, waana taas sababta ay u dooneysio in lagu soo wareejiyo gacan ku haynta Gedo inta aan doorashada la gaarin.

Prof. Afyare Cilmi oo arrimaha Soomaaliya ka faallooday, bare-na ka ah Jaamacadda Doha, ayaa aaminsan in hadda marxaladda la taagan yahay ay mudan tahay oo kaliya inaan waqti kale lasii habsaamin.

“Wada hadallada loo ballansan yahay ee ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Xamar u joogaan waxay ku saabsan yihiin doorashada 2020, waxayna la xidhiidhaan kuwii ka horreeyey ee ka dhacay Dhuusamarreeb. Waxaa ila quman in hore loo galo oo aan waqti kale la lumin. Haddii ay doodo kale jiraan marka wada-hadalku furmo ayaa miiska la keeni karaa,” ayuu yiri Afyare oo la hadlay BBC-da.

Dowladda hadda way ogolaatay in mabda’ ahaan ciidanka laga soo saaro Gedo, waxayse su’aal ka taagan tahay goorta la fulinayo iyo sida loo fulinayo, iyo haddii heshiis laga gaari karo doorashada ka hor arrimahaas oo dhan.