Noor Bin Ladin: Weerarkii September 11 oo kale ayaa kusoo socda Mareykanka waxaana joojin kara kaliya…

Geneva (Caasimada Online) – Noor Yeslam Bin Ladin oo ah gabar uu adeer u ahaa hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osama Bin Laden ayaa wareysi ay siisay wargeyska The New York Post waxay taageero xooggan ugu muujisay madaxweyne Donald Trump.

Noor, ayaa sheegtay in Mareykanka uu wajahayo weerar la mid ah kii September 11, islamarkaana Trump uu ka hortagi doono haddii dib loo doorto.

“Kooxda Daacish waxay kobacday intii ay xukunka hayeen Obama iyo Biden, taasi oo hoggaamisay inay Yurub yimaadaan. Trump wuxuu muujiyey inuu Mareykanka iyo annaga [Yurub] naga bad-baadin karo heslista dibedda, isaga oo ciribtiraya argagixisada ka hor inta aysan helin fursad ay weerar ku gaystaan ayey tiri Noor.

Noor oo ku nool Switzerland ayaa u sheegtay New York Post inay muddo taageero u ahayd Trump, oo mid ka mid ah ballan-qaadyadiiisa ugu weyn ee doorashada 2016 ay ahayd inuu muslimiinta ka mamnuuco inay soo galaan Mareykanka.

“Waxaan Trump taageero u ahaa tan iyo markii uu ku dhowaaqay inuu musharax yahay 2015. Meel fog ayaan ka daawadaa waxaana jeclahay go’aanadiisa. Waa in dib loo doortaa, taas waxay muhiim u tahay mustaqbalka Mareykanka iyo dunida ilbaxday ee reer galbeedka,” ayey tiri.

“U fiirso dhammaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Yurub 19 sano ee tegay, aad ayey noo ruxeen. Islaamka xagjirka ah aad ayuu u dhex galay bulshadeena,” ayey Noor ku dartay hadalkeeda. “Waa murugo in bidixda [Dimoqraadiga Mareykanka] ay la saftaan dad noocaas ah.”

Noor ayaa badanaa twitter-ka soo dhigta sawirro muujinaya ayada oo xiran dhar ay ku qoran yihiin erayo ay ku taageereyso Trump.

Waxay sidoo kale faafisaa warar been ah oo lagu weeraro dhaq-dhaqaaqa Black Lives Matter, ayada oo soo qaadata qaar ka mid ah muuqaallada Fox News iyo suxufiga ka shaqeeya ee Tucker Carlson oo xulufo la ah Trump.

Noor Bin Ladin ayaa waxaa iska dhalay walaalka ka weyn Osama Bin Laden ee Yeslam Bin Laden iyo haweeney qoraa ah oo u dhalatay dalka Switzerland oo lagu magacaabo Carmen Dufour, taasi oo 2004 qortay buug aad u gadmay oo ay kaga hadashay waqtigii ay la qaadaty qoyska Bin Laden.

Yeslam iyo Carmen ayaa kala tegay 1988-kii, waxaana Noor ay sheegtaa inaysan waxba ka gelin qoyska aabaheed ee reer Sacuudi.

Noor waxay wargeyska New York Post u sheegtay inay ka qaadatay shahaadada Maamulka Ganacsiga Jaamacadda University of Geneva iyo Shahaadada Sharciga Ganacsiga ee  Jaamacadda University of London.

Wareysigeeda ayey ku sheegtay in ku koritaankeeda Galbeedka uu macnaheedu yahay inay aad ula dhacsan tahay qayimka reer galbeedka.