Dagaalka C/rashiid Xidig iyo Jeesow oo meel xun gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Amiin Jeesow ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib markii ay labada xildhibaan hadallo kulul isu mariyeen dhinaca warbaahinta.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo markale u jawaabayey Xidig ayaa sheegay inuu yahay saddex kaare u shaqeeya dalalka Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya.

“Xidig waa saddex Kaare shalay Tigree ayuu u shaqeynaayey oo uu Jaajuus u ahaa maanta wuxuu u shaqeynaa Imaaraadka iyo Kenya, hadba ninkii ku shubto ayuu la shaqeynaa waa fadlan ku shubo.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Kaluundiga uu Prof Dalxa sheegaayey waaye meel walbo isaga oo Kalundi ah ayuu taagan yahay.”

Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xidig uu yahay nin dhaqaale raadis ah, wuxuuna tilmaamay inuu ka hayo cadeyn Vedio ah oo uu sheegay inuu uga dalbaday xilligii uu mucaaradka ahaa inuu la xoojiyo dagaalka siyaasadeed ee Axmed Madoobe.

“Waxaan hayaa Vedio uu Xidig iiga codsanaayo oo aan baraha bulshadana soo dhigi doono in aan aniga Axmed la dilo awalba Axmed waan is-heysanaye sidaanu shaqeynaayey ka daran inaan ula dagaalamo.” ayuu ku yiri Jeesow shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Xidig uu si shaqsiyan ah ugu xad-gudbay akhlaaqdiisa iyo diintiisa, islamarkaana uu aad uga xun yahay weerarkaaasi.

“Nin walaalkiis Soor ku dilaayey inuu maanta aniga Akhlaaqdeydii, Diinteydii iyo Anshaxeygii wax u dhimo runtii aad baan uga xumahay.” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa daba-scoda jawaab uu Xidig ka bixiyey hadalkii Jeesow ee ahaa in la xiro Axmed Madobe, wuxuuna Xidig sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay meel ka dhac ku tahay in meel Public ah uu ka hadlo Jeesow, isagoo ku eedeeyey inuu taageeray wax aan Diinta Islaamka ku habooneyn oo ah in ay is-guursan karaan dadka isku jinsiga ah.