Thaabit Cabdi oo ka hadlay natiijooyinka imtixaanaadka dalka ee shakiga dhaliyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa war qoraal ah uu kusoo daabacay bartiisa Facebook kaga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay Natiijooyinka Imtixaanka dalka ee ay Wasaaraddu soo bandhigtay shalay.

Gudoomiyihii hore wuxuu aaminsan yahay iney jiraan waxyaabo badan oo is diidan iyo humaag ku jira hanaanka loo maray, sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay baahida loo qabo in turxaan bixiyo arintaas.

Thaabit wuxuu qoraalkiisa ku sheegay ineysan macquul aheyn in mustaqbalka in ka badan 8 kun oo arday la tuuro, isagoo xusay shaqada adag oo ay wasaaraddu heyso.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA THAABIT CABDI

Natiijadii imtixaanka ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah waxaa ku jiray humaag badan iyo waxyaabo is diidan, waxaana walaaca iyo baahida loo qabo in arrintaas la turxaanbixiyo la qabnaa ardeyda, waalidiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee sida togan uga hadlay arrinkan.

Anigoo dareensan culeyska shaqada ay Wasaaraddu heyso, haddana ma sahlana in si fudud oo aan daliil maangal ah la socon lagu tuuro mustaqbalka 8,550 arday, oo xilli adag wax ku soo bartay, xilli adagna sannadkan imtixaan u fariistay.

In guud ahaan 25% ardaydu ku guul dareystaan imtixaan qaran ma’ahan mid lagu macneyn karo daddaal-yari arday iyo tayo-darro dugsi, balse waxey burbur iyo guul darro ku tahay nidaamka waxbarasho ee dalka.

Dhanka kale, waa arrin ugub ah in 36% ay dhaceen ardeydii Gobalka Benaadir sannadkan u gashay imtixaanka, waxeyna u baahan tahay tafaasiil caqli gal ah sababta keentay hoos u dhaca sidaa u weyn sanad guddahii.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare, waxaa looga fadhiyaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada ugu soo bandhigto caddeymo iyo tafaasiil si dhab ah loogu kuur galay (empirical evidence) oo bulshadu lagu qancin karo.

Ugu dambeyn, iyadoo la tixgalinayo dareenka ardeyda, waalidka iyo cid walba oo shaki badan ka qaaday natiijadan, waxaan soo jeedineynaa in arrinkan loo saaro guddi baara; sidii imtixaanka loo qaaday, sidii loo saxay, hadii aan goobbaha qaar la sixin iyo ammaanada imtixaanka, taas oo dawo u noqon doonta walaaca taagan, daahana ka rogi doonta cidda laheyd mas’uuliyadda guul daradda nidaamka waxbarasho ee dugsiyada dalka.