25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xog: Mukhtaar Roobow oo shuruudo ku xiray isku dhiibida DF iyo beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wadaadka Mukhtaar Roobow uu shuruudo adag ku xiray isku dhiibida dowlada Federaalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Roobow oo garabsanaaya Odayaal dhaqmeed ku dhaqan miyiga deegaanka Abal oo ku yaallo duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa ku baaqay in dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka ay ka jawaaban shuruudaha uu usoo bandhigay.

Roobow waxa uu sheegay inay adkaan doonto in si sahlan uu isugu dhiibo dowlada ama Beesha Caalamka iyadoo aan la kala qoran Heshiis uu ku qanci karo.

Roobow ayaa isaga doonayo in laga badbaadiyo dhammaan tacadiyada iyo dhibaatooyin lagu sameeyay wadaadka Xasan Daahir Awees oo hadda ku jira gacanta dowlada, kuna jira xabsi guri..

Waxaa kamid ah shuruudaha uu dowladda cafis u fidiso, ballan-qaadna ku sheegtay inaysan xireyn, oo aan wax dacwad ah lagu soo oogeyn.

Mukhtaar Roobow ayaa qodobada uu tiigsanaayo oo qoraal ah gudaha asbuucaani ku wareejiyay xubnaha ka dhex shaqeynaaya Roobow iyo dhinacyada u bisil isa soo dhiibida wadaadka sida gaarka ah loo daneynaayo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News