Taariikhdii colaadeed ee dalka Maraykanka: Maxaynu ka baro karnaa?

Afarta Bisha July Waa Maalintii Dalka Maraykanka uu qaatay xurnimadiisa waana mudo hada laga Joogo 241 sano. Marka loo bar bar dhigo wadamada horu maray, Maraykanka waxa uu Ka mid yahay wadamada ugu da’da yar haddana ugu horeeyo. Waxa uu Soo Maray marxalado Kala duwan una badan colaado.

Indian War    1622-1942
Adoonsiga     1620-1865 after civil war
Revolutionary War   1775-1783
Mexican war  1846-1848
Civil War        1861-1865

Dagaalkii indianska (Native Americans) ee loogu yimid dhulkaan waqooyiga America waxa uu socday mudo Dheer maxa yeelay Waxaa ay diidanaayeen in ay si sahlan Isu dhiibaan waxa ay qaadatay mudo 300 Iyo dhowr sanadood. Tirada ku dhimatay Labada dhinac Waa laysku qilaafsan yahay Laakiin Waxaa aad u badnayd ayaa ladhaha dhanka indianska.

Adoonsiga Waxa uu ahaa taariikhdii ugu Xumayd ee soo martay Dalka Maraykanka Sida ay taariikh yahano badan claim-gareeyaaan sababto ah qofka maanta maqla ereyga adoonsi Waa uu dareemi karaa xanuunka ay lee dahay. Waa Taariiq Madow maxaa yeelay dhibaatooyin badan ayay Soo mareen dadka madow ee la keenay North America kuwaaas oo isugu jiray Daldalaad, Ciqaabid, Iyo Ayagoo Lagu shaqayn jiray saacado badan Waxaana la joojiyay adoonsiga 1865.

Dagaalkii Xurnimada (Revolutionary War) Waxa uu qaatay mudo 8 sano ah 1775 Waxaa uu socday ilaa 1783. Laakiin waxa ay si cad ugu sheegeen Gumaystaha 4tii July 1776 in ay wadan xor ah yahiin Lagu magacaabo Maraykan.

Dagaalkii Mexico Waxaa uu socday 1846-1848. Maraykanka waxa ay qabsadeen Gabi Ahaan Mexico sidoo kale waxa ay  nolol ku qabteen madaxweynihii Mexico ee Waqtigas oo lagu magacaabi jiray Santa Anna asigo ku suganaa Magaalada El Peso ee Gobolka Texas, Waxaana laga saxiiixay  gobolada New Mexico, Texas Iyo California in aysan mar danbe ka hadli karin ama aysan sheegi karin. Waxaa dagaalkaasi hogaaminaayay General Ulysses S. Grant oo noqday madaxweynihi 18 aad ee Maraykanka.

Dagaalkii Sokeeye Waxaa uu socday mudo afar sano ah 1861-1865. Waxa uu ku socday labo waji mida koowaad oo ahayd midnimada “The Union” sababto ah Waxaa jiray 13 Gobol oo ku yiilay koofurta Maraykanka isla markaana rabay in ay gooni istaagaan ayagoo Isku magaacabay (confederate states). Wajiga labaad ee Dagaalka sokeeye Waxa uu ahaa in la joojiyo adoonsiga, Waxaa diidana 13 Gobol ee (confederate states). Sadaxda sano ugu horeeyay Dagaalka Waxaa waday General  George Mcclellan Iyo General   Robert Anderson kadib Madaxwaynihii Waqtigaas ee Lincoln Waxaa bedelay Labadaas General waxa u Magacaabay General Ulysses S. Grant oo ahaa Generalkii Qabtay Mexico. General Grant waxa usuuro gashay in Sanad gudahiisa uu Soo afjaro Dagalkii isla markaana uu Qabto General Robert Lee oo ahaa General Kii hogaaminaayay 13 Ka Gobol ee (confederate states). Dagaalka Sokeeye ee Maraykanka Waxaa Lagu Qayaasaa in ay ku dhinteen Labada dhinac ilaa 632 Kun. General Ulysses S. Grant waxaa uu ahaa shaqsi aad Nasiib badan kuna guulaystay labo dagaaal Taas oo usuuro galisay in uu Madaxweyne Ka noqdo Dalka Maraykanka 1869.  Laakiin shaqsi Ahaan Waxaa uu ahaa Ruux faqri ah Qamaarka Iyo Cabida jecel.

Labadii Dagaal ee Aduunka Kii Koowaad si toos ah Maraykanka Uguma Jurin Laakiin Kii labaad si buuxda ayuu u galay. 1929 Waxaa jiray hoos u dhac dhaqaaalo aad u xun (Great Depression) oo saameeyay  maraykanka socday ilaa Dhowr Iyo tobon sano Waa markii dadka badankii ay u shaqo tageen  Dowladda lana sameeyay jidadka Waa wayn ee loo yaqaan ( Hwy enter states). Maraykanka Waxaa Soo Maray 45 Madaxweyne Waxaa la dilay labo kamid ah Lincoln Feb 12 1809 Iyo Kenedy Nov 22 1963 Iyo iyadoo 45 taas Madaxweyne mid Ka mid ah uu ahaa Madow Maraykanka Oboma.

Hadaba taariikhdaas oo u badanayd tan Gudaha Maraykanka ayaa Waxaa ku cad in ay Soo Mareen dhibaatooyin aad u faro badan ha u badnaado Dagaalo, Laakiin maanta Maraykanka Waxaa uu Safka hore Kaga jiraa wadamada ugu hor marsan Aduunka.

References:
American Indian War –
www.history.com/topics/native-american-history/american-indian-wars
Revolutionary War –
www.history.com/topics/mexican-american-war
Civil War –
www.history.com/topics/american-civil-war
Mexican American War –

W/Q: Mohamed Isse
mcmuudeey@gmail.com