Muqdish oo maca-salaameynaysa ‘xiriir sameyso iyo kala wareeg’ iyo arrinta bedeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo sanado badan wajaheysay culeys dhanka amniga ah ayaa xilligaan waxaa laga dareemaya deganaan iyo inuu soo hagaagayo amniga caasimada, taasi oo keentay in meesha ka baxdo ereyo caan ka noqday gudaha Muqdisho, kuwaasi oo ahaa “xiriir sameyso iyo kala wareeg”.

Ereyadan ayaa ahaa kuwa ugu badan ee dadka gawaarida wata ay kala kulmi jireen askarta joogta bar-kontaroolada Muqdisho, hase yeeshe xilligaan waxaa bedeshay in baaritaan si dhameystiran loogu sameeyo gaadiidka ay wataan dadweynaha, ayada oo intaas kadib usii gudbi karo goobtii uu u socday, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Baraha kontarool ee laga soo galo magaalada macquul ma aheyn xilligii hore inaad soo gasho, gaar ahaan marka u gudubto degmooyinka Yaaqshiid, Warta-Nabadda, Madiino iyo Kaaraan.

Ciidamada cusub ee loogu tala-galay xasilinta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, gaar ahaan kuwa hay’adda NISA ayaa waxay u muuqata inay wax badan ka badaleen dhaqamadaasi, ayada oo baaritaano kadib aad u gudbeyso meelaha aad u socotid.

Dhamaan Kantoroolada caasimada, ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA aya waajibaadkooda gudanaya, iyaga oo baaraya gaadiidka ay wataan dadku si looga taxadaro qaraxyada iyo falalka kooxaha argagixisada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii dambe ka yaraaday qaraxyadii iyo dambiyadii kale ee lidiga ku ahaa nabadda iyo xasilloonida, taasi oo ku timid iskaashi dhex-maray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka oo hore dhaka-faar ugu rideen kooxaha argagixisada.

Dadweynaha ayaa sidoo kale ka marag kacay in ciidanka cusub ee caasimadda ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda, taasi oo lagu diirsaday.

Sidoo kale waxaa muuqata inay muddooyinkii dameb laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kal hore ballan-qaaday inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.