Xog: Arrinta ka dambeysa weerarkii uu M/Weyne Saylici ku qaaday xukuumaddiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa Arbacadii weerar culus ku qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa xilligaas waxa uu ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi inay indhaha ka qarsatay xaqiiqada ka jirta gobolka, islamarkaana uu tabashada la qabo dadka reer Awdal, xilli ay dadweynaha reer Boorama ay rabshado horleh ka dhigeen magaalada.

“Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isagu la sheegay inuu isku soo koobay maamulka.

Saylici iyo Biixi oo khilaaf huursan uu ka dhaxeeyay ayaa waxa uu sii kululaaday kadib markii ay isku qabteen cidda buuxineysa jagada wasiirka maalgashiga oo banaanatay kadib markii Aamina Cilmi Fariid ay kamid noqotaya Golaha Wakiiladda.

Muuse Biixi ayaa shalay buuxiyay jagada wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland, taasi oo imaneysa maalin un kadib hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku-xigeenka, oo isagu ku sugan magaalada Boorama.

Labada nin ayaa sidoo kale isku fahmi waayay maareynta tabashada reer Awdal ee saami-qeybsiga, taasi oo taagnay illaa xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye, ayada oo waxba kasoo qaad uu ka dhigay Muuse Biixi soo jeedino dhowr ah oo arrintaas uu ka sameeyay Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici ayaa sanadihii dambe waxay isa-seegeen bulshada uu metelo, oo ayagu tabashooyin isbiirsaday ka qaba xukuumadda uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay, waxaana loo arkayay mid aan saameyn ku laheyn xukuumadda iyo waxa ka socda, kahor inta uusan Arbacadii u xaal waramin reer Awdal.

Weerarka Saylici ayaa waxa uu si shaacsan banaanka usoo saaray khilaafka mudada huursana ee kala dhaxeeya Muuse Biixi, kaasi oo meel sare gaaray, ayna xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi isku dayayso inay hoos u dhigto, xilli ay xiisadda xoogan uga furan tahay gobolka Sool, uuna dagaal ka socdo magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.