Cosoble oo macno yaab leh u sameeyay dagaal ay ku dhawaqday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday ee ka dhanka ah musuq-maasuqa, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Cali Cosoble ayaa waxa uu ku tilmaamay dagaalkan ay ku dhawaaqday dowladda ee lagula dagaalamayo musuqa inuu la macno yahay ayada oo la dhaho Al-Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa, “Kuwii wax musuq-maasuqaayay ayaa leh waa in musuq-maasuqa lala dagaalo.”

“Shacabka wax ma musuq-maasuqo ee dowladda ayaa wax musuq-maasuqda, ayadaana leh waan la dagaalameynaa. Taasi sow la macro maaha Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa. Waa dhurwaagii yiri ariga anaa ilaalinaya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Waxa uu sheegay in dagaalka musuqa ee ku dhawaaqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mashruuc laga gadayo caalamka, ee uusan aheyn mid loogu dhimrinayo shacabka la baartay, sida uu hadalka u dhigay.

“Kolley cidda warkaas la maqashiinayo ma ahan shacabka ee waa kuwa loo tuugsi tagayo. Shacabkana wuxuu og yahay hal booli ah ineysan dhali karin nirig xalaal ah.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddii dalka la keeno mashiinka la yiraahdo “lie detector” waxaan hubaa hal qof oo madax ah inuusan ka badbaadeyn xabsi.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, kaasi oo loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.