‘Saciid DENI waxa uu DF u mucaaradsan yahay kadib markii uu waayay…’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafar Xasan Xaange oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka carooday waayitaanka damaciisa dowladda dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha Puntland u mucaaradsan yahay dowladda federaalka ay tahay kadib markii uu waayay jagaada ra’iisul wasaaraha, oo uu hadda ku fadhiyo Mudane Xamza Cabdi Barre.

“Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaan oo way hubgoobeen,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland uu yahay mid uu gacantiisa u sameeyay Deni, kadib markii uu waayay wixii uu rabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalinta uu kursigaas waayay ayuu Siciid Cabdullaahi Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro maamulka Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Xaange.

Wasiir Xaange oo kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Saciid Deni uu beesha caalamka iyo hay’addaha deyn cafinta Soomaaliya uu ka gaday in aysan dowladda dhexe wada-shaqeyn la laheyn, taasi oo uu ku wiiqayo hanaanka deyn cafinta oo maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha Puntland uu kaligii ku yahay khilaafka dowladda federaalka, islamarkaana ay reer Puntland aysan ku raacsaneyn, isaga oo tilmaamay in xiisad abuurka Deni uu ku saleysan yahay danihiisa gaarka ah uu ka dhex wayay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay xiisad siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, iyada oo hadal kulul ay hawada isku mariyeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.