DF iyo dalalka safka hore oo kulan xasaasi ah ka yeeshay wejiga labaad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeeshay xarunta ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladdaha safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya Ethiopia, Kenya iyo Djibouti

Kualanka ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladaha safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Amb. Thomas Chepkuto iyo saraakiil katirsan ciidanka XDS iyo ciidanka Kenya.

Kulanan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo wejigiisa labaad uu bilaabanayo dhawaan, kaasi oo dhinacyadan ay iskaashanayaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda gudaha Soomaaliya ee kooxda.

Kulankan ayaa waxa uu daba socda kulamo dhowr ah oo muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku yeelanayeen Soomaaliya iyo dalalka safka hore,  kuwaasi oo qeyb ka ahaayeen saraakiil militari oo ka socotay dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.