Muqdisho inay maqaam siyaasadeed hesho dalka iyo dadka ayay dan ugu jirtaa

Tan iyo markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay Dowladihii gumeysiga ee Talyaaniga iyo Ingiriiska lixdameedyadii, Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay noqotay Awoodda Siyaasadeed ee wadanka iyadoo ay arrintaas u fududeysay Dhaqaalaha ay leedahay iyo Juqaraafi ahaan, waana arrin aan wax loo dhigo la arkin ilaa waqtigaas muran la’aan.

Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya

Inkastoo ay ku nool yiiin 4 malyan oo Qof, oo ay tahay Saldhigga Dowladda iyo Ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan, Muqdisho malahan wax loo dhigo,  Caasimadda maamulka Banaadir waa Gobol Daboolaya Badaha Bartaha iyo Koonfurta Soomaaliya kana soo horjeedo Badweynta Hindiya Illaa Wabiga Jubba haddana wax yar ayey ka qeyb qaadataa Siyaasadda dalka waana wax ay muddo badan iska indha tireyn dadka Muqdisho iyo Madaxdooda.

Ma jiro culeys Magaalada saaran oo aan aheyn in magaalada loo diidan yahay inay ka qeyb qaadato siyaasadda oo ay wadaan madaxda Maamul Goboleedyada oo ku adkeystay in Muqdisho ay tahay in ay sii ahaato xajiskeeda heerka caasimadeeda, soo jeedintaas oo ka dhigaysa in si toos ah looga saaro Muqdisho geeddi-socodka go’aanka dalka.

Fikradda ay Maamul Goboleedyada Muqdisho ugu diidan yihiin inay hesho Maqaamkeeda Siyasadeed waxay u cantami weysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo u istaagay sidii Muqdisho ay u heli laheyd Maqaam Siyaasadeed oo lamid ah kuwa Maamul Goboleedyada.

Dhanka kale, isku dayga Muqdisho ee ku biirista Boqortooyada siyaasadeed ee Geeska Africa wuxuu calaamad u yahay isku daygii koowaad ee dib u soo celinta muuqaalkii siyaasadeed muddo tobaneeyo sano inkastoo ay arrintaas kasoo horjeedaan Madaxda Maamul Goboleedyada ee lagu dhisay Sharciga cusub ee Federalism-ka.

Culeyska uu Xamilayo Maamul Gobolka Banaadir:

Inkastoo hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ay weli ku adkeysanayaan inay Muqdisho ahaato meel si siman loo qeybsado Siyaasad ahaan, haddana dadaalada badhasaabnimada ah ee duqa magaalada ayaa u muuqda in ay tahay qaab wanaagsan oo wakhti hore ah, isagoo taageero weyn ka helay Shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan Muqdisho deggan.

Duqa magaalada Muqdisho Thabit Abdi waa maskaxdii ka dambeysay raadinta Maqaamka Siyaasadeed ee Muqdisho

“Qeexidda xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho waxay si guud u saameeneysaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay Muqdisho tahay meel isku xirto guud ahaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan” Ayuu  dhawaan Yiri Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo ah duqihii ugu yaraa ee Muqdisho soo mara .

Afartii Sano ee ugu dambeysay Dowladda Soomaaliya waxay ku koobneyd Magaalada Muqdisho, awoodeedana ma gaarsiisneyn Gobolada kale ee dalka, waana arrinta ugu weyn ee maanta keentay inay Maamul Goboleedyada ka hor imaadaan Maqaamka Muqdisho maadaama ay Maamulaan inta badan Soomaaliya.

Mid kamid ah Falanqeeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku doodayo inaysan Muqdisho ka bixi doonin dhibaatada ka heysato helitaanka maqaam la mid ah kuwa Maamul Goboleedyada inta ay dowladda Soomaaliya kasoo saareyso doorka ay Muqdisho ku leedahay dalka iyo maqaamkeeda.

” Dowladda awoodeeda sare ayey u kici laheyd haddii ay Muqdisho maqaam siin laheyd, waxayna u noqon laheyd meel ay ka duusho, sidoo kalana Muqdisho waxay noqon laheyd hoggaan maamul Goboleedyada la jaan qaado oo ay dowladda caawimaad ka heli karto” ayuu yiri Jacob Moses oo ah falanqeeyo siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ma Jirto Koonto loo qoondeeyey Muqdisho

Muqdisho oo kasoo kabatay dagaaladii iyo dhibaatooyin ka dhacay, dadkeeda waxay u baahan yihiin inay qeyb ku yeeshaan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha dalka, Haddana mar walba waxaa arrintaas ka hor taagan amniga Xumada iyo xiisadaha Siyaasadeed ee Caasimadda ka jiro.

Iyadoo duruufahaas lagu jiro, Kaliya Duqa Muqdisho Thaabit wuxuu ku qancayaa in Magaalada Muqdisho la siiyo Maqaam u gaar ah oo la ogyahay si ay Muqdisho u hesho door fiican oo dhanka Siyaasadda ah.

Guddoomiyaha iyo  Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u arko inay muraayad u noqon karto inay door fiican ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalka taasoo ah arrinta ay ku haminayaan Shacabka Muqdisho ku nool.

Tan iyo markii Thaabit loo doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho bilowgii sanadkaan, wuxuu u istaagay inuu Cadaadis ku saaro Maamul Goboleedyada dalka sidii ay Muqdisho u siin lahaayeen aqoonsi Siyaasadeed, waana mid aysan Maamul Goboleedyada aqbali karin iyagoo ka cabsanayo inay meesha ka baxdo saameynta ay ku leeyihiin dowladda dhexe

” Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada ee awoodda badan waxay isku arkaan inay yihiin kuwa isku hayo xargaha dowladda dhexe muddo badan, balse hadda waxaa gacmahooda kasii baxayo xargo badan oo ay kamid tahay baadi goobkii loogu jiray Maqaamka Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Mohamed Ahmed oo ah Prof. dhanka cilmiga Siyaasadda oo wax ka dhigo Jaamacadaha Muqdisho

” Haddii ay dhacdo inay Muqdisho hesho maqaamkeeda ay hadda bilowday kasoo muuqashadeeda, waxay dowladda dhexe ka caawin doontaa inay ka hor tagto cadaadiska ay Maamul Goboleedyada ku hayaan dowladda dhexe” ayuu sii raaciyey.

Xigasho: Alleastafrica.com

Waxaa Turjumay: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Email: filimside@gmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com