Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo Hub ka dhigis ah, kadib markii uu amray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Hay’adaha ayaa beegsanaaya shaqsiyaadka lagu tuhmaayo Hubka, iyadoo Hub ka dhigista ay fulinayaan dhalinyaro aad loo hubeeyay kuwaa oo loo dhameystiray dhammaan xuquuqdii ay ku lahaayen DF.
Ciidamada qeybta ka ah Howlgalka Hub ka dhigista ayaa ilaa iyo hadda gacanta ku dhigay Hub farabadan oo ay ku jiraan kuwa culus ee looga dagaalamo goobaha ay ka jiraan colaada.
Ciidamada ayaa sidoo kale waddooyinka magaalada Muqdisho ka uruuriyay Askarta ku labisan dareeska ee xiliyadii hore buux dhaafi jiray waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in iminka magaalada Muqdisho ay tahay mid ka caagan Askar Hubeysan isla markaana ku labisan dareeska iyo Hubka.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in shaqsiyaadka Hubka ku dhex heystay magaalada Muqdisho ay Hubkooda u daabuleen magaalada Jowhar ee xarunta KMG maamulka HirShabelle, halka qaarna la geeyay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Hubkaani loo daad-gureeyay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa la mariyay dhulka, waxaana la xaqiijiyay in qaarkood si KMG ah loogu dhiibtay Wasiirada iyo Xildhibaanada maamulka HirShabelle oo xiligii hore ahaa kuwo aan heysan Hub ay naftooda ku difaacdan.
Sidoo kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in shaqsiyaadka qaar ay Hubkooda ku duugen dhulka hoostii si ay uga badbaadan Howlgalada Hub ka dhigista oo magaalada Muqdisho ay kawadan ciidamada Qaran.
Hub ka dhigista ka socta magaalada Muqdisho ayaa saameyneysa min Madax ilaa Siyaasi, waxaana looga gol-leeyahay in magaalada Muqdisho laga hirgaliyo Xasilooni dhanka amaanka ah.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay bilaabatay Hub ka dhigista waxaa magaalada Muqdisho ka yaraaday Qarxyada iyo dilalka, waxa ayna tani muujineysaa in magaalada Muqdisho ay eersaneyso Hubka farahabadan ee lagu dhex wato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]