Muqdisho oo ay ku sii kordhayaan dilalka ay geystaan ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaaya dilalka bareerka ah oo ay geysanayaan ciidamada dowlada ee ilaalada u ah Mas’uuliyiinta iyo kuwa ka howlgala Koontaroolada.

Ciidamada dilalka ugu badan geysta ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa la socda Wasiirada, Xildhibaanada iyo kuwa wata gaadiidka Cabdi-bilayaasha ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan ee Muqdisho.

Ciidamadan dilalka bareerka ah geysta ayaa isku daya in waddooyinka saxmada ah ay ku isticmaalan awood iyo rasaas wada socda.

Ciidamadan ayaan u kala soocneyn mas’uuliyiinta wata gaadiidka Raaxada iyo kuwa shacabka waxaana xusid mudan in gudaha sanadkan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kiisaska 24 dil oo bareer ah.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhaca wadada Makka Al-Mukarama oo si wada jira ay u isticmaalan Mas’uuliyiinta, Saraakiisha, Ciidamada iyo Dadka Shacabka ka.

Xiliyada qaar ayaa waxaa dhaca in ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa amaanka lagu hor dilo dad shacab ah oo wata gaadiid raaxa, waxaana xaqiiq ah in ciidamadaasi ay qaadan talaabo.

Geesta kale, Dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal dhacdooyinkan kusii kordhaaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com