Farmaajo oo ka digay laba arrin oo inta badan ay caadeysteen Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka waayadaani ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka taagan dalka la doonaayo inay ka hortagaan dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowladiisu ay heyso fursado badan oo la doonaayo in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan, inkastoo aysan muuqan diyaar garow ay shacabka ugu jiraan isbedel.

Waxa uu sheegay in dal waliba uu hormar gaari karo keliya markii ay isku xirnaadan dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dadka Soomaaliyeed aysan weli qaadin talaabo ay ku kordhinaayan isku xirnaanshiyahooda, balse ay rajo ka qabaan isbedel.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka digay laba arrin oo inta badan ay caadeysteen Soomaalida kuwaa oo kala ah in qof waliba uu dalkiisa ku haleeyo qofka kale iyo in laga niyad jabay hanaanka lagu hormarin lahaa dalka.

Waxa uu Farmaajo ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadan niyad jabka isla markaana ay qaatan go’aan sabar ah maadaama dalka aysan u maqneyn umad kale.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha dhalinkara tashwiishka isla markaana howlaha la xiriira Siyaasada looga danbeeyo dowlada.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia ay cadaadis xad dhaafa kala kulmeyso Golayaasha Aqalka hoose iyo aqalka Sare.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com