Sawirro: Farmaajo oo la kulmay xildhibaanadii dooda ka qabay dilka Wasiir Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan khaas ah oo dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid salka ku hayay dilkii allaha u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullaahi Ziraaji.

Xildhibaanada ayaa sheegay in kulanka ay cadaalad ugu raadinayeen Marxuum Siraaji oo kiiskiisa u muuqda mid ay dowlada Somalia is ilowsiisay.

Xildhibaanada oo aad u careysnaa ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii Caddaaladda loo marsiin lahaa Askarigii ka dambeeyay dilka Cabaas oo aan weli lagu fulin waxa uu sharciga qabo.

Xildhibaan Xuseen Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanadii la kulmay Farmaajo ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha uu ahaa mid uu hareereeyay buuq iyo isfahan’waa.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in fashil iyo natiijo xumo uu kusoo dhamaaday, kulankii saacadaha badan qaatay, waxa uuna sheegay in Farmaajo ay kala kulmeen natiijo aan macquul aheyn.

Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in gacan ku dhiiglaha dilay Wasiirkii hore Cabaas Siraaji ay ku hubsan doonaan sharciga inta ka horeysana ay sii wadi doonaan kulamada.

Xildhibaanka oo ka hadlaayay kulanka waxa uu yiri ”Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo 50 kii xildhibaan ee cadaalad raadintii Marxuum Cabaas Siraaji, wuxuu ku soo dhamaadey Natiijo xumo”

Waxa uu intaa raaciyay ”Wuu sii socon doonaa kulanka inta aan meel uga soo hubsano askarigii ka danbeeyay dilka Siraaji, Madaxda ugu sareysana kama aqbali doono inay indhaha ka qabsadaan xaqiiqda”