Muqdisho oo ay xildhibaan beeleedyo ku habsadeen + Dhibka dastuurka DF

By Asad Cabdullahi Mataan

Xildhibaanada Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Waxaa ay ka kooban yihiin 275 xildhibaan waxeyna kasoo jeedaan beelaha Soomaaliyeed oo lagu sheego 4 beelood iyo Bar. Xildhibaanada Soomaaliya kuma imaanin sida xildhibaanada caalamku ku yimaadan oo ah doorasho laga soo doorto deegaan gaar ah, Xildhibaanada Soomaaliya waxaa ay ku yimideen qabiil oo ay metelaan.

Jahwareerka Xildhibaanadani ku hayaan qaranimada Soomaaliya waxaa weeye xildhibaanadani ma matalaan Maamulada Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba, sidaas oo ay tahayna Xildhibaanadaan iyo Xukuumaduba Waa Federaal oo Dhamaan Soomaaliya qabaa’ilkeeda degan gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayay ka kooban yihiin, haddana Mushaarkooda iyo Miisaaniyadooda waxaa ay ka timaadaa oo kaliya Magaalada Muqdisho.

Adduunka Waxaa ka jira oraahda caanka ah ee ku saabsan xaga cadaalada “No Taxation without representation” oo micnaheedu yahay ‘Canshuur maya hadii aan Matalaadi jirin dadka canshuurta laga qaadayo”. Arrinta cajiibka ah waxaa weeye Dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado ganacsigooda iyo shaqooyinkooda matalaada Dawladda Federaalka ee saldhigeedu yahay Xamar waxaa ay kala mid yihiin Dadka kasoo jeeda Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Xildhibaanadaan iyo xubnaha Xukuumada ee Dulsaaran Muqdisho go,aan kuma laha shirkad dhisaysa Dekedaha ama Garoomada Boosaaso, Hargaysa, Berbera, Kismaayo, sidoo kale Deeqaha lasiinayo Maamuladaas lagalama tashado, haddana waxaa muuqanaysa in Xildhibaanadaani qaar badan oo kamid ah ayba Muqdisho u joogaan in caasimada Dalka ka ilaaliyaan horumarka.

Xildhibaanadani ma ahan kuwo abaal leh, Ma ahan kuwo qaranimo gaarsiinaya Soomaaliya, Waxaa uun ay ka shaqeeyaan in dalku uusan degin, Xildhibaanadani sooma saaraan sharciyo dalka gaarsiinaya Sinaan, midnimo iyo Cadaalad, inta badan waxaa ay ku qanacsan yihiin in Xamar u dawladeeyaan, Horumarka ka ilaaliyaan.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya ma ahan mid Soomaali samaysatay, Dastuurkaani Soomaaliya isaga ayaa ugu filan in Soomaaliya aysan ebidkeed noqon qaran la mid ah dalalka Caalamka, Dastuurka ayaa ah mid u diyaarsan in Madaxda Soomaaliya khilaaf joogto ah ku jiraan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, madaxweynaha la doortay ninka uu u magacaabo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, taasi waa mid ka mid ah qorshayaasha loo sii diyaariyey Soomaaliya si aysan hore ugu dhaqaaqin.

Dawladaha xubnaha ka noqonaya waxa dastuurku ugu yeero federaalka Soomaaliya sida ay u wada shaqeynayaan ma cadda, Dastuurka kuma qorna, qaabka ah 2 Gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara dawlad xubin ka ah federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah caqabad kamid ah caqabadaha loo dhigay qaranimada Soomaaliya.

Maamulka Puntland ee Dawladu aqoonsan tahay ayna doonayaan in Dawlado sidaa ah loo dhiso Soomaaliya ayaan Soomaaliya kala mideysneyn Dastuurka, ciidanka, canshuurta, Garsoorka. Wuxuu leeyahay inta dawladda Soomaaliya leedahay, Xildhibaanada iyo Dastuurka jahwareerka ah ayaa hortaagan qaranimada Soomaaliya.

Inkastoo Dastuurka Federaalka ku qoran tahay in qofka Soomaaliga ah xaq u leeyahay inuu ku noolaado, ka shaqeysto, Xil ka qabto, xisbi xubin ka noqdo meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah haddana Maamulka Puntland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo ka badan 200 kun oo qof oo ka tegay Koofurta Soomaaliya, dadkaasi xuquuq kuma laha Puntland lamid ah Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland, sidaas oo ay tahayna Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland ee Majeerteen, Dhulmahante, Warsangeli iyo Leelkase dadka kasoo jeeda Markii ay yimaadaan Koofurta Soomaaliya sida Muqdisho iyo Kismaayo waxaa ay la xuquuq yihiin dadka goboladaan degan oo aan iyagu xuquuq ku lahayn Puntland. Somaliland iyadana waa sidoo kale, inkastoo Somaliland sheegato in Somalia ka mid aheyn, haddana qabaa’ilka dega Somaliland waxaa ay kamid yihiin baarlamanka iyo xukuumadda.

Dhibka ugu badan oo uu dalku ka degi la yahay ayaa ka imaanaya Xildhibaanada qab’iilka metela oo Muqdisho ku habsaday iyo dastuurka loogu talo galay inuu nabada ka ilaaliyo Soomaaliya oo in wax laga bedelaa aadka loo adkeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com