Muqdisho oo laga mamnuucay dhammaan shirarka looga soo horjeedo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar si hoose loola wadaagay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada degmooyinka, kaas oo ku saabsan in aan Muqdisho lagu qaban shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta degmooyinka, kuwa gobalka iyo talisyada ciidamada lagu wargeliyay in ay joojiyaan dhamaan shirarka ka dhanka ah dowladda ee ka dhaca hoteelada, maqaayadaha waa wayn iyo kuwa yar yar iyo sidoo kale goobaha la isugu yimaado ee magaalada Muqdisho.

Idaacado iyo Telefishino ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa laga joojiyay baahinta muuqaalo looga hadlayay xaaladda dalka ee siyaasadda iyo amaanka. Muuqaalada la joojiyay ayaa ahaa VOX-POP (Aragtida dadweynaha).

Sidoo kale waxaa la diiday in ay warbaahinta ka hadlaan dadka ka cabanaya nadaafad darrada magaalada Muqdisho iyo jidadka xiran, waxaana warbaahinta qaar loo diiday in ay duubtaan codad dadweyne.

Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku taala oo lagu magacaabo The Village oo aheyd goob kulmisa weriyaasha iyo siyaasiinta isugu jira mucaarad iyo muxaafad ayaa loo keenay Warqad waxaana lagy wargeliyay in maqaayadda la xiri doono, hahdii ay ku hadlaan dadka isugu yimaada halkaan ama uu ka dhaco shir aysan dowladda Soomaaliya kawarqabin.

Sidoo kale hoteelo iyo maqaayado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sidaas oo kale looga digay in xarumahooda ka dhacaan shirar dowladda lagu mucaaradayo iyo in aan la qaban guud ahaan shir aysan dowladda ogayn.

Siyaasiinta miisaanka culus leh ayaa badanaa shirarkooda ku qabsada Xarumo ay ka daganyihiin Muqdisho sida xarumaha Xisbiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com